|

Soomaaliya: Magacyada 10 Wasiir oo la magacaabay iyo beelaha ay ka soo kala jeedaan

Muqdisho 04, November 2012 (SDN)- Raysul-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay magacyada golaha Wasiirada cusub oo ka tarjumaysa xukuumad kooban.

Xukuumaddan oo ka kooban 10 wasiir, inkastoo laga yaabo in xubno kale dambeeyaan, wax aka mid ah Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden oo guddoomiye u ahayd urur-siyaasadeedkii NDB oo ka mid ah ururadii hadhay ee Somaliland.

Foosiya dhowaan ka degtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxa loo magacaabay wasiirka Khaarajiga, ahna Raysul-wasaare kuxigeen.

Haddaba, shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, waxa u suurtogashay inay hesho magacyada 10 wasiir ee la magacaabay iyo beelaha ay ka soo kala jeedaan, waxayna kala yihiin;

1- Foosiya Yuusuf X. Aadan, waxa loo magacaabay Raysulwasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, ka soo jeeda beesha Isaaq (Dir), Garxajis

2- Cabdullaahi Abyan Nuur, waxaa loo magacaabay Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta, Dirta Koonfureed,

3- Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, waxaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga, ka soo jeeda beesha Raxan-weyne, Dabare

4- Cabdikariim Xuseen Guulled, waxa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka, kana soo jeeda beesha Hawiye, Habar-gidir

5-Maxamuud Xasan Suleymaan, waxa loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta, kana soo jeeda beesha Daarood, Majeerteen

6- Cabdullaahi Ciil-Mooge Xirsi, waxaa loo magacaabay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta, ka soo jeeda beesha Daarood, Ogaadeen

7- Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxaa loo magacaabay Wasiirka wasaaradda Khayraadka dalka, ka soo jeeda beesha Hawiye, Xawaadle

8- Muxyadiin Maxamed Kaalmooy, waxaa loo magacaabay Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud, ka soo jeeda beesha Shanaad, Jareer-weyne

9- Drs Maryan Qaasim, waxaa loo magacaabay Wasiirka Horumarinta Adeegga Bulshada, ka soo jeeda beesha Shanaad, Banaadiriga,

10- Maxamuud Axmed Xasan, waxa loo magacaabay Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, ka soo jeeda beesha Digil iyo Mirifle, Raxan-weyn, Hadame.”

Qurbejoog.com, Muqdisho

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed