|

Soomaaliya iyo UK oo kawadahadalay iskaashi

Muqdisho March 04, 2024 (QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain oo uu hoggaaminayay ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta, Sir Philip Barton.

Kulanka ayaa looga hadlay kor u qaadista iskaashiga iyo xiriirka weyn ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo UK, iyadoo Ra’iisul Wasaare Barre uu u mahadceliyay dowladda UK doorka ay ka qaadaneyso taageeridda dadaallada dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ilaalinta deegaanka, iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Wafdiga uu hoggaaminayay Mr. Philip Barton ayaa bogaadiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, isagoo muujiyay sida ay u aqoonsan yihiin horumarrada ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsadeen muddooyinkii ugu dambeeyay.

Comments are closed