|

Soomaaliya iyo Turkiga oo kawada hadaly hirgelinta heshiisyadii ay galeen

Muqdisho March 06, 2024(QJ)-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Turkiga.

Kulanka ayaa looga hadlay dhaqan gelinta heshiiskii taariikhiga ahaa ee difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha ee labada dal, kaas oo dhawaan lagu kala saxiixday magaalada Ankara.

Qodobada looga hadlay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa tayeynta tababarada iyo qalabeynta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed (XDS) iyo xoojinta howlgallada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah Soomaaliya.

Wafdiga Turkiga ayaa waxaa ka mid ahaa saraakiil ka tirsan ciidamada badda, dhulka, iyo wakiilo ka socday wasaaradda gaashaandhigga Turkiga.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Cabdi Warsame, Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Comments are closed