|

Soomaaliya iyo Masar oo heshiis isbaheysi gaaray

Qaahira (QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Masar, C/fataax Al-sisi. Kulanka oo ka dhacay magaalada Qaahira ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirro ka kala socday labada dowladood, kuwaasi oo qeyb ka ahaa wada xaajoodyadii lagu gaaray heshiisyo muhiim ah oo ku saabsan dhanka difaaca iyo iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo Masar.

Labada Madaxweyne waxay si wadajir ah u xaqiijiyay in iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu muhiim u yahay horumarinta amniga iyo xasilloonida gobolka. Heshiiska cusub ee gaashaandhigga ayaa u gogol xaaraya wadashaqeyn dhow oo dhexmarta wasaaradaha gaashaandhigga iyo amniga ee labada dal, iyadoo qorshuhu yahay in la sameeyo hindiseyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga Soomaaliya.

Kulanka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa shir jaraa’id oo ay qabteen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne C/fataax Al-sisi waxa ay faah faahin ka bixiyeen waxyaabihii ay ku heshiiyeen, waxaana ay ka wada hadleen qorshaha mustaqbalka ee labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan. Waxay sidoo kale ka hadleen arrimo kale oo muhiim ah oo saameeya gobolka iyo xasilloonida qaaradda.

Comments are closed