Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis cusub gaaray
Addis Ababab (QJ) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku heshiiyay in si buuxda loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyay dalalkooda. Waxa ay sidoo kale ka go’an tahay in la dhowro heshiisyadii hore oo uu ka mid ahaa in la sii wado heshiiskii Ankara, kaasi oo Itoobiya u ogolaanaya in ay hesho nidaamka badda Soomaaliya.
Labada mas’uul ayaa ku heshiiyey inay iska kaashadaan amniga, la-dagaalanka argigixisada, horumarinta dhaqaalaha, iyo xasilloonida gobolka, iyagoo xoogga saaray is-qab-qabsiga labada dhinac. Waxay ku heshiiyeen in la dhiso guddiyo farsamo oo xog is dhaafsada, isla markaana soo diyaariya heshiisyo rasmi ah, taasoo dhabaha u xaaraya hamiga Itoobiya ee ku aaddan soo gelista badda Soomaaliya.
Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Addis Ababa ayaa noqoneysa safarkiisii ugu horeeyay ee rasmi ah kadib hindisaha Ankara ee uu dhexdhexaadinayo Madaxweynaha Turkiga.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dib u soo ceshanaya xiriirkooda diblumaasiyadeed kadib markii uu xumaaday xiriirkooda horraantii 2024-ka taasoo ay sabab u tahay Itoobiya oo muran badan dhalisay ka dibna ay ka laabatay heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland.