|

“Soomaaliya aqoontiina ayey sugeysaa.”Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud

Muqdisho 28.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa maanta ka qeyb galay munasabad Qalin jebin ah. Halkaasna ka jeediyay qudbad dhiiri gelisay shacabka ku sugnaa goobtaas.

SimakQudabadiisa ayuu Madaxweynaha wuxuu ku yiri” Anigu maanta aad ayaan ugu faraxsanahay  horumarka dhanka wax barashadda. Dowladdana wey naga go’antahay in aan taagerno waxbarashadda Soomaaliya, iyo tacliinta sare.”

Madaxweynaha oo qudabdiisa  kula hadlayay ku dhawaad 1000 arday oo ka qalin jebinaysay jaamacadda SIMAD waxa uu yiri” Walaalayaal, dalalka hormaray waxey ku hor-mareen wax barashadda oo ay hor mariyeen. Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabineyso jaamacadaha dalka waxey tusaale u tahay jiil cusub oo Soomali ah waxeyna kaalin mug leh ka qaadan doonan wax qabadka arimaha bulshada iyo kan ganacsiga gaarka  ah.”

“Dalka iyo dadkaba waxey u baahan yihiin jiilkiina oo kale. Jiil fahamsan aduunka cusub oo ku dhisan xog iyo technolojiyadda. Shacabka Soomaaliyeed wey ku soo daaleen dagaal. Umada soomaaliya waxey  idinka sugeysaa in eey ku nacfiyan aqoontiina”

Ugu danbeyntii Madaxweyne Xassan sh. Maxamuud  waxoo u tahniyadeeyay ardaydii qalin jabineysay iyo ehelkooda.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed