Somaliland oo laga suuliyay Masuuliyiintii Shacabka u hadli jiray
Hargeysa May 22,2012(SDN)-Intii ka danbeysay xil la wareegidii Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa Somaliland si cilmiyeysan looga suuliyay siyaasiyiintii u hadli jiray shacabka kolka xaal isku cakirmo.
Golleyaashii dalka ee sharci dejinta,axsaabtii iyo saxaafadiiba siyaabo kal duwan ayaa saaxada looga saadhay.
Ugu horeyntiiba xukuumada Siilaanyo waxa ay kala dirtay golleyaashii dalka ee la xisaabtanka ku hayay dawlada.
Sidoo kale waxa ay xukuumadu si ay umadda u mashquuliso mucaaridka adagna u kala dirto ay furtay ururadii siyaasada.
Waxa isku milmay qabiilkii iyo siyaasadii,waxaana hab qabiil lagu xaliyaa marxalad walba oo dalka soo foodsaara.
Waxase isweydiinta ugu badani tahay sababta iyo ujeeda xukuumada Axmed Siilaanyo ka leedahay furfurka maamul ee intaa le”eg hadii xitaa laga eego dhanka xukuumadu ay ka eegeyso ee ah in aaney cidi ishortaagin.
Xukuumadu hadii ay furfurto nidaamka dawladeed waxa la gaadhi doonaa heer ay awooda dawladed ku soo koobmaan dhawr ruux,taas oo dhaxal siin karta dalka marxalad burbur ka dhalan karo.
SDN-Hargeysa