|

Soomaalida oo sanad ka dib Abaaruhu ka qixinayaan degaanadooda

Kismaanyo July 22,2012(SDN)-Waxa mar kale la dareemayaa saameynta cuno yaridu ku heyso Soomaalida sanad ka hor uun ay macluushu aqaladooda ka barokicisay,sida ay ku soo waramayaan hay’adaha gaegaarka.

Soomaaliya ayaa mar kale waxa isku baheystay labo dilaa oo kal ah Gaajo iyo colaad.

Soomaaliya ayaa sanadkani ay ka da’een roobab ka samato bixiyay in mar kale macluul dib loogu noqdo.

Shabaabka oo caqabad ku ahaa gargaar la gaarsiiyo dadka tabaaleysan ayaa sanadkan laga saaray inta badan degaanadii ay gacanta ku hayeen,balse wax ay ku sugan yihiin degaano ay ku sugan yihiin dad masaakiina oo ay ka qaadaan lacago baada.

Si kastaba ah ahaatee waxa mar kale wadooyinka waaweyn ee dalka lagu arkayaa shacab dumar iyo caruur u badan oo dhabarka ku sita aduun intii ay heyteen,isla markaana ay ka muuqato nafaqo xumo.

SDN-Kismanyo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed