|

Soomaalida oo Kenya ka dooneysa ku-dhaqanka shuruuc ay diideen in ay dalkooda ka hirgeliyaan

Nairobi April 10,2014(SDN)-Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa maalmihii u danbeeyay waxa soo wejahay xaalado la mida kuwii ay dalkooda uga yaaceen ee ay gacantoodo ku abuureen.

Soomaalida qaxootiga ku ah dalka Kenya ayaa magaalooyinkii ay ku noolaayeen waxa ay uga yaaceen ka dib kolkii kooxo ka hoos abuurmay ay u ogolaadeen in ay dhulkoodii,hantidoodii iyo heybadoodii ay si guracan ugu gorgortameen.

Soomaalida ayaa mudo dheer waxa ay hantidoodii,maskaxdoodii  iyo naftoodiiba waxa ay u hurayeen sidii ay uga baxsan lahaayeen dhibaatooyin ay gacantooda ku abuureen isla markaana ay wakhti kooban ka qaadan lahaeyd in ay xaliyaan.

Waxaad arkeysaa Soomaalida oo dalalka caalamka si ay u gaaraan ku bixinaya aduun waxa gacantooda ku jira,iyaga oo in badan oo ka mid ahina ay naftooda u hibeeyaan safar aaney ujjeedadiisa si dhab ah u garaneyn.

Soomaalida Ayaan dawladooda iyo naftooda ka dalban waxyaabaha ay inta badan dalalka kale ka dalbadaan.

Arkimeysid Soomaali dalbaneysa in walaalohood ay ula dhaqmaan si waafaqsan shuruucda Islamka iyo kuwa caalamka.

Arkimeysid Soomaali u aragta Soomaali kale in uu ixtiraam ku leeyahay oo ay tahay in ay wada noolaadaan.

Waxaadse arkeysaa Soomaali leh Koonfur Africa ayaa Soomaalida ku xad gudubta ama Kenya ayaa Soomaali ku xadgudbeysa.

Hadii ciidamada Kenya ay Soomaaliya awoodooda ku joogaan oo ay kaa yeeli karaan sidii ay doonaa,maxaad ka fileysaa marka aad Nairobi ugu tagto.

Weli maan arag Soomaali is-weydiineysa Maxaa sababay in Kenya ay mar qura xabsiyada ku gurto 4000 oo ruux iyo doorka Al Shabaab ee arinkan.

Inta ruuxa Soomaaliga ahi ka sugayo shicib iyo dawlado shisheeye xuquuq iyo ixtiraam aaney iyagu isa siin,rejedu ma hagaagsana.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed