|

Soomaalida Mareykanka oo Qabyaalada la dagaalamaya

Minneapolis Jan 08,2014(SDN/QJ)-Soomaalida u qaxday dalka Mareykanka ayaa ka sheeganaya Qabyaaladii dalkooda ka soo hayaamisay iminkana bilaabay la dagaalankeeda.

Soomaalida ayaa Qabyaaladu ay ka mid aheyd waxyaabihii dalkooda burburiyay isla markaana haatan dabeecadaa ka hirgeliyay degaanada qurbaha ee haatna magengelayada u doonteen.

Kulan la dagaalanka Qabyaalada loogu magacdaray oo dhawaan ka dhacay dalka Mareykanka magaaladiisa Minneapolis ayaa wax aka qeybgalay ilaa 200 oo ruux.

Kulankka waxa isku soo duba riday urur la baxay La dagaalanka Qabyaalada iyo Dib u heshiisiinta oo ka hawlgala Magaalada Minneapolis.

Axmed Xirsi oo ka mid ahaa qaban qaabiyeyaasha Kulankan lagula dagaalamayay Qabyaalada ayaa idaacadda Minnesota Public Radio in Qabyaaladu aaney aheyd caqabad ahaan jirin balse ay dagaaladii sokeeye sababeen,

“Waxaanu aragnay dhalinyaro qabaailo kale ah oo hortayada ku kufsanaya kuna dilaya waalidkeen iyo caruurteenii, Waxa ay leeyeen dad aanu jecleyn, waxa ay burburiyeen dalkii. Ma iloobi kartid” sidaa waxa yiri Saciido Shaaciye.

Axmed Xirsi ayaa sheegay in uu markuu 12 jirka ahaa hooyadii weydiiyay sababta ay u qaxayaan waxaaney ugu Jawaabtay degaankan waxaa leh Qabiil kale.

“Waxa iga careysiiya Waxaanu nahay bulsho isku midab ah,isku diin iyo Luuqad ah baanu nahay hadana waxaa fidaya cudurka Qabyaalada” ayuu mar kale yiri  Axmed  Xirsi

Waxa aiyaguna kulanka ka qeybgalay Ururka la dagaalanka Qabyaalada garabkiisa Yurub oo yaguna halkaa ka hadlay.

Bishara Maxamuud oo UK ka soo socdaashay Yurub ayaa sheegtay in ay aragtay in kor u kacday ku dhaqanka Qabyaalada ee Qurbejooga.

Waxaaney intaa raacisay Bishaara in Soomaalida Colaadaha ka soo qaxay ay la yimaadeen ku dhaqanka Qabyaalada.

SDN/QJ-Minneapolis

contact@qurbejoog.com

Comments are closed