|

Soomaalida dalka South Afrika oo ka cabanaya in loo diiday sharciga dalkaasi

Cap town  Nov 30, 2012 (SDN)— Soomaalida ku nool dalka South Afrika ayaa ka cabanayaa in aad loogu adkeeyay sharciga dal joogista ee wadankaasi koonfur Afrika.

Cabashada ay qabaan Soomaalida ayaa waxa ay ku aadan tahay in marka ay galaan dalka South Afrika islamarkaana ay joogaan in muddo ah kadib ay dalbadaan inay qaataan sharciga dal ku joogista aysan taasi usuura gelin.

C/raxmaan Xasan oo ah wariye Soomaaliyeed joogana dalka South Afrika ayaa soo sheegaya in Soomaalida dhibaatada ugu badan ee haysata ay tahay arinta la xiriirta inaysan helin sharciga dal ku joogista.

Wuxuu sheegay in dad qaarkood ku sugnaa dalkaasi muddo 3-sano ah weli aysan helin sharciga lagu joogayo Koonfur Afrika markii ay Dowladda weydiisteen loo diiday.

Dalka South Afrika waxaa kunool Soomaali badan kuwaasi oo halkaasi ka shaqeesta islamarkaana sidoo kale ay jiraan Soomaali kale oo dalkaasi kusii qulqulaya xilli Soomaalida si adag loogu dhibaateeyo dalkaasi.

SDN- Cap town

Comments are closed