Soomaalida Birmingham oo dooneysa in Qadka la joojiyo
Birmingham Nov 30,2013(SDN)-Bulshada Soomaalida ah ee ku nool Midlands,UK,ayaa ku booriyay dawlada Britain in aaney ka waaban Qorshaheeda ay ku mamnuuceyso maandooriyaha Qaadka.
Wasiirka arrimaha guddaha ee dalka Britain Theresa May ayaa dooneysa in dib loo qiimeeyo heerka maandooriye oo la gaarsiiyo C-grade,qaadka oo ay aad u isticmaalaan bulshooyinka Soomaalida iyo Yemen.
Guddida arrimaha guddaha ee Baarlamaanka Britain ayaa sheegay in goaanka dawlada ee lagu mamnuucayo qaadku yahay mid lidi ku ah culuunta sayniska in uu sababo dhibaatooyin bulsho iyo mid caafimaad.
Maxamed Shariif oo ah hogaamiyaha bulshada Soomalaida Birminghamayaa sheegay in Soomaalida yar iyo weynba ay isticmaalaan Qaadka isla markaana uu sababo xanuuno dhanka dhimirka ah.
Qaadka ayaa sanadii ina dhaafay u soo xareeyay dalka UK aduun dhan £14m,waana sababta ay siyaasiyiin badani u doonayaan in aan la joojin.
SDN-Birmingham
contact@somalidiasporanews.com