Soomaali lagu shiiday Nairobi iyo Suxuufiyiin HornCable ka tirsan oo Boolisku qabqabteen
Nairobi Oct 01,2012(SDN)-Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kiinya ayaa qarax lala beegsaday Kaniisada waxa shalay ka dhacay falala lagu bartilmaansaday Soomaali ah.
Waxa xaafada Pangani isku urursaday dad careysan oo Kiinyan ah oo tiradoodu ay gaareysay ilaa boqol ruux oo shiidayay aqalada iyo meheradaha Soomaalidu xaafada ku leedahay.
Ciidamada Booliska ee Nairobi ayaa xaafadii mudo ka dib soo buux dhaafiyay goobihii shaqaaqaduhu ka bilowdeen.
Booliiska ayaa waxa ay goobta ku qabqabteen wariyeyaal sadex ahaa oo ka mid ahaa TVga HornCable oo xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa.
Booliiska ayaa sidoo kale waxa ay halkaa ka qaateen dhamaan qalabkii ay suxuufiyiintu ku hawlgalayeen.
Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay qarax lala beegsaday Kaniisada Nairobi oo uu ku geeriyoodey ilmo yari,halka dhawr ruux oo kalena dhaawac soo gaaray.
dhacdadan ayaa ku soo beegmeyse xili ay ciidamada Kiinya guddaha u galeen magaalada Kismaayo oo ay mudo gacanta ku hayeen kooxda Shabaabka.
Sidoo kale waa kolkii u horeysay oo dad shacab ahi Soomaalida in ay weeraraan ay isugu urursadaan Nairobi ka dib weerar la qaaday.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com