|

Soomaali lagu qabtay dagaalka Ukraine

Kiev January 15, 2024 (QJ) -Wararka ka imaanaya dalka Ukraine ayaa sheegaya in ciidamadooda ay gacanta ku dhigeen kooxo calooshood u shaqeystayaal ajaaniib ah oo uu ku jiro nin Soomaali ah oo ku lug lahaa dagaalka ka dhanka ah ciidamada Ruushka ee ka socda dalka Ukraine.

Warbaahinta dalka Ukraine ayaa ku warameysa in ciidamada Ukraine ay gacanta ku dhigeen koox calooshood u shaqeystayaal ajaanib ah oo uu ka mid yahay nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Cadiila oo ku sugnaa magaalada Maryinka ee gobolka Donetsk.

Ninka Soomaaliga ah ee lagu xiray colaadda Ukraine ayaa lagu tilmaamay inuusan lahayn khibrad ciidan, waxaana loo arkayay inuu arrimo dhaqaale ugu biiray ciidamada Ruushka. Waxaa la xusay in isaga iyo kuwa kale ay dhawaan ku biireen militariga Ruushka si ay u xoojiyaan dadaalkooda dagaalka

Ma cadda in ninkan Soomaaliga ah uu si iskiis ah ugu biiray ciidamada Ruushka iyo in kale, waxaana la sheegayaa in Ruushka tahriibayaal ah oo aan ka shakin, si ay ciidan ugu galaan dalka Ukraine.

Comments are closed