|

Soomaali lagu qabqabtay Koonfurta Suudaan,xili Madaxweyne Xasan Sheekh uu dalkaa Booqanayo

Juba Jan 13,2012(SDN)-Sida ay ku soo waramayaan Soomaalida ku nool dalka ugu cusub ee Koonfurta Sudaan ayaa waxa caasimada Jubba xabsiga la dhigay Soomaali faro badan oo halkaa ku noolaa.

Dadka laqabqabtay ayaa tiradoda lgu sheegay in ay ahaayeen 23 ruux oo aqal wada galayay.

Ciidamada Booliiska ee Jubba ayaa la arrkayay iyaga oo isku gadaamay aqal ay dadkani ku noolaayeen.

Mudo dabadeedna waxa la sheegay in 13 ka mida dadkii Booliskuu kexeysteen in la sii daayay ka dib kolkii wax denbiya lagu waayay,halka intii hadhayna ay weli ku jiraan gacanta ciidamada Amniga.

Ciidamada ayaa laga soo xigtay in dadkani ay ku hawlanaayeen falal ka dhan ah amniga.

Safaarada Soomaalida ee Jubba ayaa haatan ku gudo jirta dedaalo dadka xabsiga weli ku jira sidii xoriyadooda loogu soo celin lahaa.

Soomaali faro badan ayaa ku nool dalka cusub ee Koonfurta Suudaan waxaaney halkaa ku leeyihiin meherado fara badan.

SDN-Jubba

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed