|

Soomaali heysata Dhalashada Britain oo lagu xiray Gambia,maxey tahay sababtu?

Banjul Nov 16,2013(SDN)-Soomaali heysata dhalashada dalka Britain ayaa ciidamada amaanka ee dalka Gambia xabsiga dhigeen ka dib kolkii lagu soo eedeeyay in ay damceen in ay la baxsadaan kharaashaad dhanka isgaarsiinta ah.

Wax isdaba marintan lagu sameeyay laanta isgaarsiinta dalka Gambis ayaa la sheegay in ay la xiriirto ka dib kolkii ay eedeysaneyaashu gacanta ku dhigeen is cards ay deetana isticmaalayeen todobaadyo.

Abdirisaaq Hazi iyo Faysal Axmed Jaamac ayaa ciidamadu ku eedeeyeen in si xad dhaaf ah ay todobaadyadaa u isticmaaleen isgaarsiinta ka dibna ay damacsanayeen in ay baxsadaan.

Ragan oo uu weheliyay nin sadexaad oon la qaban ayaa kharash dhabar jab ku noqonaya laanta isgaarsiinta Gambia damacsanaa in ay uga baxsadaan.

Denbi baareyaasha ayaan qiimeyn kharashka ragani ku dalceen isgaarsiinta dalkaasi waxase ay sheegeen in culeys baaxad leh ku keenayo.

SDN-Banjul
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed