|

Soo dhawayntii ugu ballaadhnayd oo mucaaradka Somaliland Hargeysa loogu sameeyay

Hargeysa. 10 November, 2022. (QJ)- Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxa si aan hore loo arag loogu soo dhaweeyay saraakiisha mucaaradka Somaliland iyadoo murashaxa madaxweyne iyo gudoomiyaha xisbiga Waddani ay weftigaas hor kacayeen.

Kumanaan iyo kumanaan ka mid ah taageerayaasha mucaaradka ayaa bariga Hargeysa kusoo dhaweeyay madaxda Xisbiga Waddani.

Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo khudbad u jeediyay taageerayaasha baaxadda leh ee soo dhaweeyay waxa uu u sheegay in mawqifkoodii hore uu sidiisii yahay oo aanay waxba iska bedelin hadii 13 November ka hor la heshiin waayo.

Soo dhawaynta ballaadhan ee saaka oo Khamiis ah ayaa lagu macneeyay in ay tahay farriin kale oo ku socota Muuse Biixi si uu Doorashada Madaxtooyada u qabto.

Comments are closed