Somaliya oo ka taagan quus wada hadalada iyo dhoohananta Somaliland , waa mid u baahan in la qaato Stratagiyo ka duwan tan maanta
Marka hore waxan halkan ka salaamaya dadka maqaalkan akhrisanayaw. Inta kadib, dadku inay yidhaahdan sidaas la yidhi oo caqli keeni kari mayo wa lag fiicanyahay. Dadkuna waa inay isku dayan bal fekero kala duwan keenan si marxalada adag looga baxo.
Waxan la socona in 23 in kabadan la raadinayay ictiraaf ila imikana wax ka socda aanay jirin. Runtii dawladaha iyo madaxduba aad bay u dadaleen laakin caqabad caalamiya aya ku wajahnayd, taasina waxay u baahanthay in si kale looga wareego haday shaqaynwayday.
Hadaba aan usoo dego mawduucaygii oo sidan ku bilaabmay.
Waxa ay rag xogo gaal ah oo reer konfureed ah ahna reer Muqdisho oo masuuliyiin ihi ii sheegeen iyagoo ka helay war madaxdooda fadhida Muqdisho. Waa sida ay hadalka u dhigeene in Madaxweynaha Somaliya iyo Xukuumadisuba ay ka niyad jab sanyiihinn sida ay ku kulamadii ka dhacay Turkiga, kuwii ka horeeyay iyo mawqufka ay Somaliland ka taagantahay wada hadalada kaasoo ah anigu waan go’ay oo kaliya . Haddii aan hadala soo koobo waxay ku doodayan sidan :
– Waxay aad isugu dayeen inay Somaliland ay wax la qabtaan isla markaana hawsha u fududeeyan wada hadalada, waxay markaana ka ilaaliyay dadkii ay somalia u arkaysay inay shirka carqadaynayan. Waxanay ka aqbaleen codsi ay somalia u soo gudibisay intii aan shirarkii ka dhacay dibada aan laqaban.
– Waxa saaran dawlada Somaliya Pressure gaar ah oo siyaasadeed waa siday hadalka u dhigeene. Kaaso ah in dadka la baxay Khaatumo State imikana ka taliya deegan Buuhoodle iyo Taleex iyo kuwa ay dariska yihiiin ee Makhaaiir State kuwaaso iyagu ah deegano hoos yimada Somaliland laakin ku mucaarid ah. Ay intuba shirar badan la galeen xukuumada Somaliya kuwaasoo leh anku Somaliya ayaan nahay ma nihin Somaliland ee wax hanala taro oo dhaqaale dawlad iyo ciidanba ha nala siiyo.
Waxay ku tidhi xukuumada Somaliya waxa noo socda wada hadala Somaliland ee idinku iyagaad ka tirsantihiin ee suga halka wixii ka soo baxa..
Inta waxa sii dheer iyagoo markuu shir Somaliya iyo Somaliland dhamaadaba markiiba ay madaxdoodu Muqdisho tagayso oo leh shirarkii way dhamaadeen ee maxaad noo haysan. Dabadeed ay ku noqotay dawladii somaliya wixii ay dadka ku qancin lahaayeen.
– Waxaso dhan iyo waliba shacabka Somaliya oo waa siday hadalka u dhigeene aan ogolayn kala go’a waxay keentay inay dawlada Somaliya imika dib uga fiirsato wada hadaladii Somaliya iyo Somaliland inkasto oo aan la soo bandhigin wali, kuwaaso oo ay u aragto in Somaliland aanay wax horumar ah ka samayn wada hadalada ay la gashay isla markaana waan go’anay mooyane aanu jirin wax plan B ahi taaso ah in ay wali meeshi 22 sanadood ka hor uun ay taagantahay.
Wada hadalada imika Muqdisho ka socda iyo saamayntooda
Sida aan warar ku hayo, waxa imika ku sugan Muqdisho Mr. Ali Khalif Galayr iyo nimanka la baxay G8 ee Khatumo state, iyo rag kale oo iyana metalaya Makhaaiir state kuwasoo dhamaantood ku abtirsan jiray Somaliland imikana ka soo horjeeda.
Waxa soo baxay warar leh waxay culays ku saareen dawlada somaliya in arrimahooda wax laga qabto. Waxay leeyihiin anaku Somaliya ayaan nahay ee maxaa naluugu xidhaaya qof aan somaliya ogolayn meesha ma yaaliin. Mida kale wada hadaladii Somaliya iyo somaliland wax natiijo ah kamay soo bixin ee anaka dawladu ha nacaawiso anakana Somaliya hoos imanayna ee.
Waxa jira warar odhanaya in la soo jeediyay in ay iyagu dhinac uun ku biiiraan. Waxanay qaar leeyihinn waxa idin dhib yar idinkoo la heshiiya Puntland, iyaga Somaliya ogole. Sidaasana idinka maamulkiina iyo ciidankaba la idinka caawinkara. Waxa isku maqan qolooyinka la baxay Khatumo iyo Makhaaiir bal sidii ay ugu biiri lahayeen Puntland ama xal ka duwan kaaba.
Akhristaw haday taasi dhacdao , waxa ka soo bixi kara arrimahana hoos ku qoran sidan soo socota :
Somaliland imikaba waxa laga haysta Buuhoodle iyo Taleex, iyo waliba calaamad colaadeed oo ka taagan deeganka bariga sidaad aragtaanba, marka haddii dadkaasi hoos tagaan somaliya oo dawladu caawiso markaa macnaheedu waxa weeye ciidamamdoodaba waxay hoos tagayan Somaliya.
Waxa halka ka bilaabmi doona dagaal ay dadka dhulkaa degaan kala hortagaan Somaliland iygoo awalba hore rabshado uga jireen. Iyagoo markaa ciidamadoodu ay hoos imanyan dawlada Somaliya.
Haddii arrimahasu dhacaan dhulka Somaliland ku gorgortami jirtay wuu yaraan doona. taasina waxay inagu noqon doonta dhabar jab wayn oo soo kordhay…..
Siyaasada caalamka oo Geeska Afrika indhaha ku haysa marba wixii soo kordha way ogyihiin. Oo hadaba dhinaca bariga waxa laga xardhay map ka UN (Dispute Area) oo ah meeshi la isku haystay.
Dagaal haduu halkaa ka dhaco Somaliland saaxiib kuma laha dadka afsomaliga ku hadla oo dhan , sida aan la socono iyo siyaasadan imika jirta iyo kuwii dawladihii ka horeyay ay sheegi jireen inaynaan inaku cidna shaqa ku lahayn…..
Waxa kaloo lagama maarmaan ah in Somali land looga baahanyahay inay isticmaasho (Plan B) oo micneheedu yahay mid ka duwan kan ay imika isticmaasho, odayashii hore ayaa laga haya waar colka wadhaf ma lagu dayay…
Waxad ogthihin sida ay caalamku inoo arkaan ama inoola dhaqman ila imika, iyo aqoonsi la’anta laga haysto ururda caalmiga ah Sid OAU (Midoowga Afria), Arab league (Jaamacada Carabta), USA, European Union , Asia, Japan iyo waliba UN Xafiiskeeda oo imika Muqdisho loo wareejiyay wuxu yidhi Somaliland halkan baanu uga talina. Intuba waxan kaga jirna go’doon.
Gudihii Somaliya, maanta Saaxiib rasmiya kuma lihin, oo dadkii barigii ina taageeray halganka SNM ee Koonfurta Somaliya oo aynu garanayno kuway yihiin maanta cilaaqad fiican lama lhin. Saansaanta colaadeed ee soo socota waxa laga yaaba inay u ekaantoonto hadaan laga taxadarin tii hore inoo soo martay oo waliba aan saaxiibo dadka Afsomaliga ku hadla la la lahayn, lagana yaabo in la isku soo kaa raaco waayo adaa go’doon iyo isla wayni isgeliyay.
Ok, xagee lagu socda hadanad saaxiib caalamka iyo dadka Afsomaliga midna ku lahayn , anigu taa garanmaayo, waxayse jawaabteedu u taala dadka iyo masuuliyiinta Somaliland ?
Waxan ku gabagabaynaya inta arrimahan hoos laga hadlaayo iyo ana xisibiya iyo ana xukuumad ah waxa haboon in laga fekero siyaasada dibada ee inugu soo fool leh. Qofkii aan arrimahan sheegayo waxba u arkin taasi waa aragtidiisa, laakiin in ay kolayba ka jirto saasaan colaadeed gobalada bariga qofwaliba wuu ogyahay.
Ilaahay kama dhigo laakiin waxa haboon in siyaasada dibada siday u socoto dib loo eego waar bal xita Yuhuudoo 6 Milion uu jarmalku ka dilay ayaa colaadii ay Jarmalka u qabtay xal u heshay kana heshiiyay, waxwaliba marka hore way adagyihiin ee feker bay u baahanyihiin.
Afeef ha u qaadan haddiii la sheego aragti in somaliya la la socdo. Anigu nin somaliland ah baan ahay laakiin waa inaad run ka sheegta waxa dhacaya, ha noqon nin meel dhaw ka fekera ee si dadka iyo dalkaba loo badbaadiyo waa inaad marwalba dawlada iyo dadkaba caawisa. Ha odhan uun sidaasa la yidhi oo waan yeelaya. Markaad aqoon yahan tahay waa in talo iyo tusaale la keena ama la eegaya sidii wax la yeeli lahaa….. .
Mahadsanidin.
Adan Jama Kahin
Madaxa iyo Tafatiraha Wargeyska Onkod,
Isla markaana ah
Xildhibaan Deeganka Campbel Park ee
Milton keynes (Councillor)