|

Somalilaneey Kulmiye wa kaa

Hargeysa April 16,2012(SDN)-Xukuumada heysa talada dalka ayaa dad badani shalay kolkey arkeen habdhaqankii ay xilka iyo karaamadaba uga xayuubisay Kuxigeenkii 1aad ee Kulmiye Md Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa u soo baxday in cida sharafta laga xayuubiyay ay tahay Qaranka Somaliland.

Habdhaqankaasi ma aheyn mid xitaa Jebhaduhu ka suurtoobaan,waana xukuumada ta looga fadhiyo isku heynta iyo xafidaada danaha ummada oo idil.

Ashqaas ismoodey in iyagu Qarankiiba yihiin ayaan sidii talada uu ula wareegay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku tagri falalyay hantida iyo awooda dawladeed.

Xaqiiqduse waxa ay tahay in madaxweynaha dalku yahay ruuxa ka danbeeya khaladaadka.

Madaxweynaha aan u adkeysan karin dhaliisha asxaabtiisa maxaad u maleyn sida uu ka yeeli doono kolka mucaaridku wax shegaan.

Si walba ha ahatee dhacdadii shalay ee xilka looga xayuubiyay md Cabdiraxmaan Cabdiqaadir,khaladkuu dono hore ha u galee waxa ay muujineysaa lexo jeclaan laanta Qaran ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed