Somaliland:Xukuumadda Oo Haweenay Digreetada Madaxweynaha Hore U Diidday u Adeegsatay Baahinta Waxqabad Shacabka Qancin waayey
Hargeysa:Aug,20,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Haweenay Sharciga Dawladnimada Hore uga Hortimi u adeegsatay inay faafiso oo ku Celceliso Waxqabad ay xukuumaddu aaminsan tahay in sheegitstiisa shacabku baal ka dhaafeen.
Xukuumaddu waxa ay Agaasimaha Samafalka Wasaaradda Dib-u-dejinta Aamina Maxamuud Diiriye oo hore uga soo horjeedsatay Digreeto madaxweyne oo wasaaradda Dib u dejinta lagu hoos geeyey maalintii shalay u adeegsatay inay gudbiso farriin ka dhan ah Shirarka Beelaha Habarmagaado oo dhawaanahan qaban qaabo ku jirey iyo waliba wax-qabad ay xukuumadda Kulmiye aaminsan tahay in lagala masuugay sheegistiisa.
Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo haatan wali ku jirta Xafiiskii ay Madaxtooyada ku dhex lahay, isla-markaana sheeganaysa Inay madaxtooyada hoos timaadda, ayaa shir jaraa’id oo ay shalay qabtay kaga hadashay sharraxaad ay ka bixisay tallaabooyin horumarineed oo ay sheegtay inaan wali indhuhu qabanin balse xukuumaddu taariikhda ku gashay.
Waxa ay Amina Maxamuud sheegtay inay xukuumadda Kulmiye Dalka wax badan u qabatay, isla-markaana aanay caadadooda ahayn inay sheegaan waxa ay qabtaan, balse ay haatan khasab noqotay, sida ay tilmaantay, maadaama la arki waayey, “Marka ugu horraysa xisbigi ugu mucaaridada Badnaa uguna dadka badnaa ayuu ahaa Xisbiga Kulmiye, Madaxweyne Siilaanyo-na waxa uu qabtay Cidii indha qabtaa way aragtaa cidii indhaheedu si kale u jeedaana ilaahay ha tuso waxqabadka xukuumaddu qabatay. Axmed Siilaanyo, madaxweynaheena qaaliga ah, waa nin dalkan wax u soo qabtay aan kuna talo galin inuu maanta noolaado, imikana markii afartii sano dhamaatay, xukuumaddayadani ma sheegno waxa aanu qabanay waayo ma rabno inaanu ku faano laakiin inay dadkayagu arkaan, waxase ay haatan noqotay khasab inaanu sheegno.” Ayey tidhi Marwo Aamina Maxamuud Diiriye.
Waxa ay sheegtay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dalka ka hirgelisay mashaariic tiro badan oo dawlado ka horreeyey ay qaban kari waayeen, waxana ay tidhi,
“waxan ugu mahad naqayaa madaxweynaha inuu ku dhacay wax kuwii ka horreeyey ku dhici waayeen oo ah inuu ciidanka derejooyinkiisii siiyey, iyo inuu ku dhiirraday dhismaha waddada Ceerigaabo, waana waddo cid wal oo Somaliland ahi u dhalatay u baahan tahay oo aan cid gaar ahi lahayn.umaddana waxan leeyahay yaan si kale wax la idiinku sheegin oo olole gaar ah la idin dhex marsan.”
Marwo Amina ayaa si gaar ah u sheegtay in hadallo khaldan inta badan loo sheego dadka qurbaha joooga, kuwaas oo la gaadhsiiyo warar ka dhan ah xukuumadda iyo horumarkeeda,
“Dadka yaan inta badan wax aan jirin loo sheegin, dadka qurbejoogga ah ee had iyo jeer inta xun loo sheego waxan leeyahay annaga noo yimaadda oo wax na weydiiya.” Ayey tidhi marwo Aamina maxamuud Diiriye.
Dhinaca kale waxa ay si aad ah uga hadashay marwadu shirarka Beelaha Habarmagaado qabanqaabadooda ku jiraan oo lagu wado in dhawaan lagu qabto Deegaanka Jiidale, waxana ay tilmaantay inaan maanta middaas loo baahnayn,
“waxan leeyahay cidaha mucaaridka ah halla daayo qabyaaladdaas lagu shaqaysanayo ee dhallinyaradii ubaxa waddanka ahayd ee beddeli lahayd xukuumadaha kala dambeeya lagu mashquuliyo qabyaalad, dhallinyaradana halla Baro inay walaalo yihiin oo aanay meelna kala tegaynin.” Ayey tidhi Aamina Maxamuud Diiriye.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com