|

Somaliland:Shacabka Oo Ka Nasan La’ Khilaaf Gacan-ku-rimis ah Oo Koox Tiro Yari Ka Istaadho Madaxtooyada iyo Kulmiye Dhexdooda

Hargeysa:June,25,2014(SDN/QJ)-Gebi ahaan shacabka ku dhaqan Somaliland ayaa si weyn uga ashkatoonaya khilaaf Gacan-ku-rimis ah oo Bilihii ugu dambeeyey si joogto ah uga dhex bilaabmayey Madaxtooyada dalka looga arrimiyo iyo Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye.

avaKhilaafkan ayaa ah mid koox tiro yar oo isku dhaca iyo Xiqdiga ku nooli farahooda ku abuurto, kuwaas oo  Sumcadda iyo karaamada ay leeyihiin ku xidhay inay  Masuuliyiinta qaranka isku diraan, isla-markaana warwar iyo Walbahaar Geliyaan shacabka ay Nabadda Dalka ka jirtaa Naruurada u tahay ee aanay noloshooda kale Daryeelka qabin.

Khilaafka dhexyaalla Madaxtooyada iyo Hoggaanka sare ee  Xisbiga Kulmiye oo  Toddobaadkan  aynu ku jirno uun la soo afjaray, ayaa Haddan maalintii shalay dib u  bilaabmay, kadib markii Kooxda Daaha dabadiisa cuqdada iyo xumaanta ka Hurisaa  ku guulaysteen inay Mar kale Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha kulmiye Madaxa isku geliyaan, iyagoo Faa’iidaysanaya   Shirweynihii Golaha dhexe ee Xisbiga oo uu Guddoomiyuhu codsaday in  qabashadiisa la dedejiyo.

Isku dhaca labada Masuul ee qaranka iyo Xisbiga Kulmiye dhexdooda  yaalla ayaa noqday DHibaatada kaliya ee Haliska iyo warwarka ku Haysa Shacabka reer Somaliland, kuwaas oo  ku dhego-barjoobay is qabqabsiga Madaxda Dalka, waxana wali la is weydiinayaa sababta dib u soo celisay Khilaafkii Haatan uun laga soo faro xashay ee Farxadda ku dhamaaday.

Wali shacabku si fiican uma fahansana cidda khilaafkan istaadhaysa ee Baaruudda  ku  shidaysa, waxase Hubaal ah in dhawaan la baran doono kooxda Ku dhuumaynaysa Daahyada madaxtooyada ee Dalkan la jecel  muranka iyo  sidii shacabku ugu kala qaybsami lahaa Qabaa’il ee la isku nici lahaa.

Tan iyo Bilowgii sanadkan waxa Somaliland ka taagan Arrinta khilaafka xisbiga Kulmiye oo Noqotay midda ugu hadal-haynta Badan, isla-markaana warwarka gelinaysa Dadka nolosha la halgamaya eek u seexda Neecawda Nabadda iyo macaankeeda.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed