|

Somaliland:Ciidamada Ilaalada Hay’adaha Ajaanibka ah Oo Si Qarsoodi ah Loo Siiyey Derejooyin Been Abuur ah iyo Cidda Ka Dambaysa

Hargeysa:Aug,19,2014(SDN/QJ)-Caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxa ayaamahan ka socota sheeko xiiso badan oo la xidhiidha in nin calooshii u shaqayste u dhashay dalka Koonfur Afrika oo ciidanka ilaalada Hay’adaha Ajaanibka ah u qabiyey Derejooyin Been abuur ah oo isaga gaar u ah.

bigiCalooshii-u-shaqaystahan ayaa la sheegay inuu iska leeyahay shirkad la sheegay inay ka shaqayso ammaanka Hay’adaha ajaanibka ah ee Somaliland jooga, waxana uu si hoose u bilaabay inuu derejooyin siiyo ciidanka Hay’adahaas ilaaliya, taas oo ahayd tallaabo aanay xukuumaddu waxba ka ogayn.

Ninkan Koonfur Afrikaanka ah eek u talaabsaday in uu hawl wadeenadiisa uga shaqeeya Hay’addaha u qaybiyo Darajooyinka aanay Xukuumadda Somaliland ogeyn ayaan illaa hada wax talaabo ah laga qaadin, isagoo ku xad-gudbay Xeerka Dalka u yaala oo dhigaya Ciidan aan ahayn kuwa Qaranka oo ka koobana Booliiska, Milatariga iyo Asluubta inaan la dhisi Karin.

Shaqaalaha uu ninkani leeyahay oo u abuuran qaab gaar ah ayaa iskood u madax banana, waxaanay leeyihiin nidaam aan xog badan laga haynin, kaasoo sababay inay ku talaabsan karaan falal noocan oo kale ah.

Ciidamadda Booliiska Somaliland ayaa hawl wadeenada darajadan la siiyey dib uga Ururiyey, waxaana lagu Xareeyey Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska Somaliland.

Si rasmi ah looma oga go’aanka ay Xukuumaddu ka qaadan doonto falkan, hase yeeshee dhacdadani waxay markhaati ma doon u tahay inaanay Xukuumadda Somaliland waxba kala socon waxa ay Hay’adaha Ajanabiga iyo shirkaddaha Gaarka loo leeyahay dalka ka wadaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa dhawaan shaaciyey inay Dalka ka hawl galaan Hay’addo amaanka khatar ku ah, kuwaas oo aanay waxba kala socon, isla markaana aan soo marin wasaaradiisa.

Arrintan ayaa u muuqata mid qaran-jab ku ah qaddiyada iyo dawladnimada ay Somaliland sheegaynayso, waxase wali la dhawrayaa tallaabada ay xukuumaddu ka qaaddo ajaanibkan dalka gudihiisa Derejooyinka sharciddarada ah ku Qaybinaya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed