“Somaliland waxay u diyaar tahay in beesha caalamka iyo gaar ahaanba wadamada jaarka ay kala shaqayso nabadgelyad iyo deganaanshaha Gobolka” Madaxweyne Siilaanyo
Hargaysa 14.October 2013 (SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed (Silanyo) waxa uu Xuska Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Dhamaan Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culimaau-diinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida, waxaan munaasibada Ciidal Adxa leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caamin wa antum bikhayr.
Waxaan Illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad, cibaado, bash-bash iyo barwaaqo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Hambalyadaas Ciida ka dib, waxaan Bulshada reer Somaliland ku bogaadinayaa dedaalka muddada dheer ay soo wadeen, iyaga oo shacbi iyo dawladba is-kaashanaya.
Dedaalkaasi waaka aynu maanta ku soo gaadhnay halka qarankeenu uu taagan yahay, waxaana xaqiiq ah wax kasta oo aan soo qabsannay waxa laf-dhabar u ahaa nabadgelyada aynu ku naaloonayno, taas oo ku timid Tabantaabaday laba gacmood tamar ku yeeshaane iskaashiga Shacbiga iyo Dawladda.
Wax kasta oo aynu soo qabsanay waxa ka baaxad-weyn hawlaha qaran ahaan inoo yaalla, taas oo aynu kaga midho-dhalin karno in aynu dedaalkeena sii xoojinno, si aynu u gaadhno hiigsigeenna iyo halka aynu qaran ahaan u socono oo ay ugu mihiimsan tahay in qarankani helo aqoonsi buuxa.
Somaliland waxay u diyaar tahay in beesha caalamka iyo gaar ahaanba wadamada jaarka ay kala shaqayso nabadgelyad iyo deganaanshaha Gobolka.
Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr,,,
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com