“Somaliland Waa Beelo isu Tegay Sadexda u Sareeya Waxaa kala haysta Siilaanyo,Saleebaan Gaal, Iyo Cirro,Hadii Sharci daro Cirro lagula Kaco Saamaynteedu..” Cuqaasha Togdheer
Burco 14.Nov 2014 (SDN/QJ)- Salaadiin iyo Cuqaal ka soo jeeda gobolka Togdheer ayaa xukuumada Siilaanyo ku eedeeyey faragalin ay ku hayso golaha Wakiilada, waxaanay ugu baaqeen inay joojiso talaabooyinka ay ku carqaladaynayso golaha Baarlamaanka.
Salaadiintan ayaa sidaasi ku sheegay mar ay shir jaraa’id ku qabteen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kuwaas oo intaa ku daray in xukuumadani ay burburinayso wixii dadkani 23-ka sanadood soo dhisayeen oo ah sharciyada, isla markaana dadka waxa deeqa ay tahay sharciyada oo ah waxa dadka lagu abaal marin karo oo ah in lagu dhaqo.
Cuqaashan gobolka Togdheer waxa kale oo ay xukuumada Siilaanyo ku eedeeyeen inay sharcigii ka talaabsanayso oo ay hada marayso inay faragaliso golayaashii sharci dajinta gaar ahaan Baarlamaanka oo ay soo dhoobtay ciidamo sida ay hadalka u dhigeen.
Waxaanay intaa ku dareen in aan xukuumadani dan ka lahay qaranimada Somaliland oo ay doonayso inuu qaranku fashilmo, waxaanay tilmaameen in qaranka fashilmaya lagu garto inuu sharciga ku dhaqmi waayo oo uu ka talaabsado taasina ay soo dadajiso burburka qaranka, waxaana hadalkooda ka mid ahaa oo ay yidhaahdeen “Somaliland waa beelo isku tagay, dalka saddexda kursi ee ugu sareeya waxa haysta Axmed Siilaanyo oo Madaxweyne ah, Saleebaan oo gudoomiyaha Guurtida ah iyo Cabdiraxmaan oo gudoomiyaha Baarlamaanka ah, hadii Cabdiraxmaan laga qaado joogi maayaan Siilaanyo iyo Saleebaan, hadii ay sharci daro kaga qaadaan anaguna sharci daro ayaanu idinkaga qaadi doonaa, Saamaynteeduna Waa Mid la wada dareemi doono”. Ayay yidhaahdeen cuqaashaasi.
Burco SDN/QJ