“Somaliland uma baahna Maamul u sameyn ee waxay u baahan tahay wada xajaood dhab ah’’ Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Doorashada Somalia u Taagan oo Jawaab siiyey Xasan Sheekh
Muqdisho 24.October 2016 (SDN/QJ):- Musharraxa u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee 2016 C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa naqdiyay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ku saabsanaa in dhismaha maamulada Federaalka ay ka hartay Gobolada Waqooyi ama Somaliland.
Khudbad uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay Xafladii caleema saarka ee Maamulka cusub ee Hirshabeelle ayuu ku sheegay in maamulka Hirshabeelle aanu aheyn maamulkii u dambeeyay, balse ay dhiman yihiin Gobolada Waqooyi iyo maqaamka Muqdisho.
Musharaxa Madaxweynaha C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Somaliland aanay u baahneyn maamul u sameyn, balse ay u baahan tahay in lala galo wada xaajood dhab ah.
“Somaliland uma baahna Maamul u sameyn ee waxay u baahan tahay wada xajaood dhab ah, wada hadal khariido tilmaaman (Road Map) leh, tilmaamo cad iyo howl mudeysan, Taasina waxay u bahaan tahay in labada dhinac ay la yimaadaan ku dhicid iyo dhiiranaan looga gudbayo caqabadaha, laguna yareynayo farqiga laguna xoojinayo wixii la wadaago.”ayuu yiri Musharaxa Madaxweynaha C/raxmaan C/shakuur.
Musharaxa Madaxweynaha ayaa dhaliilay qaabka ay xilligan u wajahayso dowladda hada jirta wada hadalada Somaliland, iyadoo muddo sanad ka badan ay hakadeen wada hadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.
Dowladdii KMG aheyd ayaa sanadkii 2012 wada hadal la bilowday Maamulka Somaliland, iyadoo wada hadaladaas oo marxalado kala duwan soo maray ayaa waxay ka dhaceen Ingiriiska, Imaaraadka Carabta, Turkiga iyo Jabuuti,
Somaliland ayaa sanadkii 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, hase ahaatee wali ma helin wax aqoonsi ah.