|

SOMALILAND: Tirada Dhimashada Dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Sool Oo Kor U Dhaaftay 30-ruux

Laascaanood,5,6,2016 (QJ/SDN) – Dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda beelaha Bah-harsame iyo Qayaad ee beel waynta Dhulbahante-Harti ayaa waxaa ku geeriyooday dad ku dhowaad gaadhaya sodon ruux, iyadoona tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Maalmahan ayaa dagaalka ka socday koonfurta gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Dharkeyn-geenyo oo 70 km galbeed uga beegan magaalada Laascaanood, iyadoo aan la ogayn waxa salka uu ku hayo.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdullaahi Saxar-diid ayaa warbaahinta u sheegay ciidamo katirsan militariga Somaliland in ay geeyeen deegaanada dagaalka uu ka dhacay , kadib markii uu amray madaxwaynaha Somaliland in ay kala dhexgalaan maleeshiyaadka dagaalamaya , amaankana ay la wareegaan.

Waxgarad ka soo jeeda gobolka Sool iyo culimaa’udiin ayaa ku sii qul-qulaya deegaanka dagaalka uu ka socdo ee Dharkeyn-geenyo si ay xaaladda u qaboojiyaan.

Si kastaba ha ahatee maaha markii ugu horeysay ee dagaal beeleedyo uu ka dhaco gobalka Sool.

Comments are closed