SOMALILAND: Sheekh Aadan Sunne Oo Maxkamadda Gobolka Hargeysa Xukuntay
Hargeysa,30,7,2016 (QJ/SDN) – Maxakamada Gobolka Hargeysa ayaa xabsi gaadhaya ku dhawaad hal sano iyo lix bilood ku riday Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne).
Sheekh Aadan-Sune oo muddo saddex bilood ah ku jiray xabsi ku yaala Magaaladda Hargeysa, waxaana khamiistii xukun ku riday maxakamada Gobolka Maroodi-jeex.
Sida lagu warramayana waxaa sheekha lagu soo eedeeyay laba qodob oo kala ahaa; in uu wax ka sheegay albaab ku yaalla xarunta ciidamada Badda ee Magaaladda Hargeysa iyo waliba sameecado laga jar-jaray magaalada.
Sheekha xadhigiisa iyo xukunka lagu ridayba ayaa lagu tilmaamay mid cadaaladda ka fog, waxaana loogu baaqay xukuumadda Somaliland inay xorriyaddiisii u soo celiyaan Sheekha.