|

Somaliland: Shaqaale hawlgab noqday oo markii u horaysay lacago lagu abaal-mariyay

Hargeysa 12 December 2012 (SDN)- Dawladda Somaliland oo kaashanaysa taageerada dalalka iyo hay’addaha shisheeye ee taageera waxbarashada, ayaa lacago loo qoondeeyay ku wareejisay shaqaale hawlgab noqday.

Munaasibad lagu wareejiyay lacagtaas oo ay ka qaybgaleen wasiirada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Shaqada iyo arrimaha Bulshada, wefti ka socday Midowga Yurub, wakiilo ka socda hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwo Qaramada Midoobay iyo martisharaf kale, laguna qabtay xarunta waxbarashada gobolka ee magaalada Hargeysa, waxa lacago lagu gudoonsiiyay 6 macalin oo ka mid ah shaqaalaha dawladda ee hawlgabka loo aqoonsaday.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Garaad (Bare) oo hadal kooban ka jeediyay munaasibaddaas, waxa uu majeertay doorkii ay macalimiintan oo midkiiba in nus-qarni ku dhaw shaqadaas kus oo jiray ay ka qaateen kobcinta waxbarashada bulshadooda.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Samsam Cabdi Aaden oo iyana hadal kooban ka jeedisay halkaas, waxay sheegtay in lixdaas macalin midkiiba la siiyay $10,000 (toban kun oo doolar), waxayna sheegtay in lacagtaas uu ku deeqay Midowga Yurub. Sidoo kale, waxa macalintaas lagu sharfay shahaado-sharafyo ay ku mutaysteen shaqooyinka dhinaca waxbarashada ee ay soo qabteen.

Wasiirku waxay tilmaantay siday shaqaalaha hawlgabka noqday ugu maamuuseen abaal-marintan lacageed iyo sidoo kale doorkii ay ka soo qaateen waxbarashada dalka.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed