|

“Somaliland Qaran Sodon Jirkiisii Mar kale dib u Dhashay” Barnaamij ay Qurbejoog idiin diyaarisay {DHAGAYSO}

Hargaysa 15.May 2014 (SDN/QJ)- Laba Cisho ayaa inaga Xiga Maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday inay Xoriyadeedii dib ugala soo noqotay Somalia oo ay la Midowday 1dii Bishii July 1960kii .

Ku Sinaan Sodon Sanno ayaa labada dal ay Ku Midaysnaayeen Hal Calan iyo Hal Dawlad oo ah Somalia,Hasa Yeeshee Dagaal Qadhaadh oo faraha lagaga Gubtay kadib ayaa Waxgaradka Beelaha Somaliland Shirkii ay ku Yeesheen Magaalada Burco Waxay ku dhawaaqeen Go’aan Nuxurkiisu ahaa in Waqooyi “Somaliland “ Gaar isu taago Samaystana Dawlad u Gaar ah.

Kana Siib kana SaarMawqifka dib u soo Celinta Xoriyada Somaliland ayaa ahaa Masiir ummadeed oo Cida kaliya ee Wax ka bedeli kartaa ay tahay Shacabka.

23 Sanno oo ay Somaliland Jirtay Wax Aqoonsi ah kamay Helin Dunnida Dimuquraadiga ah Hasa Yeeshee Niyada Birta ah ee Ummada Somaliland ayaa aaminsan inay Ictiraaf la’aan noolaan karaan.

Barnaamijkan oo Shabakada Qurbejoog.com idiin soo diyaarisay Waxaa inoo daadihinaya Yuusuf Maxamed Iyo Xuseen Aadan Kuurdi.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KAGA BOGO BARNAAMIJKAN GAARKA AH
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/TaariikhdaSomaliland.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed