|

Somaliland oo xadka Jabuuti ka celisay Wufuud uu ku jiro Wasiir reer Jabuuti ah

Saylac, 03, May 2012 (SDN)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xadka u dhexeeya Jabuuti Somaliland ka celisay Wasiirro iyo xubno jaalliyad reer Jabuuti oo hawlo gargaar ka fullinayay magaalada Saylac.

Guddoomiyaha Gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul ayaa xaqiijiyay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur uu bixiyay amar dalka lagaga celiyay Wasiirro iyo qaar ka mid ah Jaalliyada Jabuuti oo magaalada Saylac ka fulliya hawlo gargaar oo ay dadka wax ugu qabanayaan.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in weftiga jaalliyada ah ay ciidamaddu ka celiyeen xadka Jabuuti, isagoo xusay inaan isaga lala socodsiin, basle amar Wasiirka Daakhliga ka soo baxay lagu celiyay. Sidoo kale waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in Wasiirka Macdanta iyo Khayraadka Jabuuti oo si shaqsi ah u imanayay Magaalada isagana xadka laga celiyay.

Dhinaca kale, waxa iyagu maanta baaqday wefti uu hogaaminayay Sacad Cumar Geelle oo ay walalo Madaxweynaha dalka Jabuuti, kuwaasoo fullinayay mashruuc lagu aasayo qayb ka mid ah badda magaalada Saylac oo soo gaadhay meelo ka mid ah magaalada.

Ilaa hadda war rasmi ah kamuu soo bixin dhinaca Xukuumadda iyo ciidamadda ammaanka ee amarka lagu siiyay inay dalka ka celiyaan wufuuda Jabuuti.

Labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland ayaa waxa u dhexeeya xidhiidh walaaltimo iyo mid saaxiibtinimo oo siyaasaddeed, iyadoo labada dhinac ay wada degaan dadweynaha ku dhaqan labada dal.

SDN, Saylac#

Comments are closed