Somaliland oo u jawaabtay beesha caalamka
Hargeysa January 05, 2023(QJ) -Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadallo iyo baaqyo ka soo yeedhay hay’ado caalami ah iyo dalal dhawr ah oo ku saabsan heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo sheegtay inaanay hadaladani waxba u dhimayn heshiiska.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Maxamed Xasan oo wareysi siiyay VOA-da ayaa ku andacooday in hadalada ka soo baxay beesha caalamka aysan ka hor imaanayn heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.
Waxa uu hoosta ka xariiqay in heshiiskaasi aanu ahayn kii u horeeyay ee dhexmara Somaliland iyo Itoobiya, isagoo tusaale u soo qaatay heshiisyo ku saabsan horumarinta Dekedda Berbera.
Heshiiskan u dambeeyay oo dhigaya in 20 KM oo ka mid ah xeebta Badda Cas laga kireeyo Itoobiya, ayaa muran iyo dhaleecayn ka dhaliyay dowladda Soomaaliya.
Mudaharaadyo iska soo horjeeda ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay ka dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, kuwaas oo ay soo qabanqaabiyeen dawladda Soomaaliya iyo dawladda Somaliland.
Hay’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, AU iyo Jaamacadda Carabta iyo qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa walaac iyo dhaleecayn ka muujiyey heshiiska Somaliland iyo Itoobiya oo ay u arkaan mid khatar ku ah midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.