|

Somaliland oo Soomaaliya ku eedeysay dil iyo afduub

Hargeysa February 29, 2024 (QJ)-Xukuumadda Somaliland ayaa dawladda Soomaaliya ku eedaysay inay geysatay dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dil, afduub iyo xad-gudubyo ka dhan ah dadka ka soo jeeda Somaliland ee deggan magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta oo uu u akhriyay Wasiirka Warfaafinta, Cali Maxamed Xasan, ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay dambi ka gashay shacabka Somaliland.

Sidoo kale, Xukuumadda Somalia ayaa lagu eedeeyay inay mas’uul ka ahayd dilalkii u dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay iyo dhacdooyin kale oo la sheegay in shaqsiyaad la afduubtay oo la waayay, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ahaayeen weerarro qorsheysan oo lagu beegsanayo dadka reer Somaliland.

Waxaa uu sheegay wasiirku in Somaliland ay cabasho rasmi ah oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbisay hay’adaha caalamiga ah, iyadoo sidoo kale beesha caalamka ka codsatay in lala xisaabtamo Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa ku nuux-nuux saday in Somaliland ay maamusho xuduudaheeda, hawadeeda, iyo xeebaheedaba, isla markaana heshiis kasta oo ay gasho dawladda Soomaaliya aan looga dhaqmi doonin Somaliland.

Comments are closed