Somaliland oo Si Mug leh looga Dabaal Degay Xuska Dhalashada Ras’uulkeenii Muxamed NNKH Iyo Madaxda Sare ee Qaranka oo ka Qayb gashay
Hargaysa 13.Jan 2014 (SDN)- Iyadoo guud ahaan caalamka islaamka gaar ahaana Somaliland si weyn maanta looga xusayo munaasabadda dhalashada rasuulkeenii suubanaa ee Muxamed NNKH ayaa Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici ) waxa uu ka qaybgalay munaasabad balaadhan oo xuska dhalashada Nebiga loogu sameeyey Hotel maansoor ee magaalada hargeysa.
Munaasabadaasi oo ay ka soo qayb galeen Culima’udiin, ganacsato waxgarad iyo mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md Axmed yuusuf Yaasiin iyo Sh Maxamuud Sh Suufi wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta ee JSL waxaa muxaadarooyin kala duwan ka soo jeediyey Culimada Somaliland qaarkood
Sh Cabdiraxmaan sh Faarax oo ka socday wasaaradda diinta iyo awqaafta ayaa khudbad dheer oo uu halkaa ka jeediyey waxa uu ku faahfaahiyey wanaaga iyo liibaanta ay leedahay in la weyneeyo munaasabadda dhalashada rasuulkeenii suubanaa NNKH iyadoo loo marayo sifooyinka sharciga ah ee laga soo dhaxlay axsaabtii rasuulka.
Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in ay tahay in lagu wada farxo maalinta uu dhashay rasuulkeenii Suubanaa, lana xuso maalinta isniinta ah oo ah malintii uu dhsahy rasuulku, laguna soo dejiyey waxyigii ilaahay
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee JSL Md axmed yuusuf yaasiin oo munaasabadda maanta ka hadlay ayaa xasuusiyey dadka qiimaha ay leedahay xuska dhalashada nebigeena suubanaa Muxamed ibnu Cabdilaahi ibnu cabdulmudalib.
Md axmed yuusuf yaasiin oo khudbad wacdi iyo wax tusaalayn ah ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in diinta islaamku tahay tii ugu dambaysay ee koonkan loogu talo galay ilaahayna uu ballanqaaday inuu ilaalinayo diinteena, waajibka saaran dadka muslimiinta ahna uu yahay inay ku dhaqmaan waxii ilaahay jideeyey kana fogaadaan waxii kale oo dhan.
Madaxweyne ku xigeenka JSL Md cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil saylici oo munaasabadda xuska dhalashada nebiga ka hadlay ayaa isna ugu hambalyeeyey bulshada reer Somaliland xuska munaasabadaasi, waxana uu sheegay in xusku qayb ka yahay dhiirigelin la isku dhiirrigelinayo ka qayb qaadashada wanaaga ay leedahay dabaaldegga ay mudan tahay maalinta uu dhshay rasuulkeenii suubanaa isla markaana ay tahay tababar aynu siinayno caruurteena oo ugu sheegayno qiimihii iyo karaamadii uu lahaa rasuulkeenu.
Munaasabadaasi oo laga soo jeediyey qasiidooyin nebi ammaan ah oo kala duwan waxaa kaloo khudbado qiimo leh ka jeediyey badhasaabkii hore ee Gobolka maroodijeex Md Maxamed cabdi Daa’uud, Sh Ismaaciil Xasan oo ka tirsan culimada wasaaradda warfaafinta, Sh ismaaciil Muxumud ibraahin sh axmed yaasiin, cabdiwahaab jaamac, sh axmed aayatullaah wasiirkii hore ee diinta iyo awqaafta somaliland, Abwaanka xasan daahir ismaaciil (Weedhsame), Guuleed jaamac Faarax iyo xubno ka tirsan macalimiinta masaarida ah ee dalka ka hawlgasha.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com