|

Somaliland oo Si Dadban uga Qeybgaleysa Mashruuca Reer Yurub ee “New Deal” Maxaa u diiday in ay ka badheedho?

Hargeysa Aug 15,2013(SDN)-Xukuumada Somaliland ayaa ka dib kolkii ay dhawaan shaacisay in aaney qeyb ka aheyn mashruuca reer Yurub doonayaan in ay ku maalgeliyaan Soomaaliya ayaa waxa soo baxday in wasiirka arrimaha Dibedda Somaliland uu Nairobi u joogo kulamo uu reer Yurub mashruucan kala yeelanayo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliland Md Maxamed Biixi Yonis ayaa war uu saxaafada u qeybiyay ku sheegay in uu magaalada Nairobi u tegayo sidii uu ugala xaajoon lahaa reer Yurub mashruuc ay ugu magac dareen “New Deal for Engagement in Fragile States.”.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland ayaa sheegay in uu Casuumad ka helay ergeyga reer Yurub ee Soomaaliya oo uu kala xaajaan doono sidii Somaliland iyo Deeq Bixiyeyaashu wada jir isaga kaashan lahaayeen in la hirgeliyo mashruuca “New Deal for Engagement in Fragile States.”.

Hadaba isweydiintu waxa ay noqoneysaa maxay tahay sababta ay Xukuumada Somaliland ugu shaacisay in aaney qeyb ka noqon doonin Mashruucaasi hadii ay kulamada noocan ah ka qeyb qaadaneyso.

Jawaabtu waxa ay tahay si loo aamusiyo codadka waxgarada suaalaha ka keeni karaya siyaasada Xukuumada ee ku wejahan xiriirka Caalamka.

Sidoo kale Xukuumada Ayaa dooneysay in ay muujiso in ay bedeleen siyaasadii hore ee arrimaha dibedda ee uu hogaminayay Wasiirkii hore ee Maxamed Cabdulaahi Cumar.

Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa si xun ugu fashilamay hagida siyaasada arrimaha dibedda ee xukuumada Axmed Siilaanyo.

Halkii uu ku waayi lahaa xilka wasiirnimana waxa loo wareejiyay wasaarad kale uu runtii muhiimadeeda leh isla markaana ay aheyd in loo dhiibo khabiir,wasaaradaas oo ah Ganacsiga.

Si kastaba ha ahaatee waxaad moodaa in mar kale ay muuqato in gacan madoobi ay hageyso siyaasada Arrimaha dibedda Somaliland.

Iyada oo Wasiirka Cusub ee arrimaha Dibedda oo lagu tuhmayay aqoon baahsan lana filayay in uu wasaarada iyo xukuumadaba ku soo kordhiyo afkaar lagu hagi karayo dal aan weli ictiraaf helin ayaa u muuqda in uu durba qaaday wadadii wasiirkii hore.

Si kastaba ha ahaatee waxa la sugaaba waa uun in la eego sida wasiirkan iyo xukuumada Siilaanyo mar kale ugu haftaan siyaasadaha Geeska Africa iyo kuwa Caalamkaba.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed