Somaliland oo qorsheyneysa in ay din ula soo noqoto maamulka hawada
Hargeysa (QJ) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday qorshe ay kula wareegayso hawadeeda iyadoo ay gacan ka helayaan khubaro caalami ah oo dhinaca sharciga ah.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, ayaa sheegay in ujeeddooyinkiisa ugu muhiimsan ay ka mid tahay in maamulka hawada la hoos keeno maamulka Somaliland oo ay hadda maamusho dawladda Soomaaliya.
“Waxaa jira khilaaf naga dhexeeya annaga iyo Soomaaliya oo ku saabsan maamulka hawada, waxaana qorshaynay in aan dib ula soo wareegno maamulka hawada Somaliland,” ayuu yidhi Wasiir Fu’aad.
Waxa uu si qoto dheer u faahfaahiyay qaabka ay wax u socdaan, isaga oo ku macneeyay in Somaliland ay mari doonto dariiqa sharciga ah, isla markaana ay u raadin doonto khubaro dhanka sharciga ah oo caalami ah si loo maro khilaafka.
“Waxaan ku soo celin doonaa maamulka hawadeena qaab sharci ah, qorshahayagu waa inaan raadino taageero sharci oo caalami ah, taasoo fududeyn doonta in maamulka hawada naloo soo wareejiyo” ayuu sii raaciyay.
Wasiirku waxa kale oo uu ka warbixiyey qorshayaal lagu balaadhinayo madaarrada Somaliland oo ay ka mid yihiin dib-u-habayn lagu samaynayo madaarada Burco iyo Boorama iyo in si buuxda loo hawlgeliyo madaarka Berbera ee casriga ah.
Horraantii 2024-kii, waxaa soo shaac baxay khilaaf weyn oo u dhexeeya Soomaaliya iyo maamulka hawada Somaliland, kaasoo ku saabsan maamulka hawada. Horay waxaa maamulka hawada u maamuli jiray hay’ad caalami ah ka hor inta aan lagu wareejin dowladda Soomaaliya dhowr sano ka hor.