Somaliland oo Mastaafurinaysa Ajaanib Dawooyin Sharci daro ah ka Ganacsanayey
Hargeysa — Laamaha amaanka Somaliland ayaa qabtay 7 qof oo u dhashay dalka Hindiya oo dalka ku soo galay dalxiis ahaan, balse ganacsi dawooyin ah ka bilaabay gudaha Somalialnd.
Saraakiisha laanta Socdaalka Somaliland ayaa maanta oo salaasa ah xafiiskooda Hargeysa ku soo bandhigay daawooyinka ay 7 ruux ku iibinayeen magaalada Berbera ee Somaliland.
“Waxaanu haynaa 7 shaqsi oo ajanabi ah oo dalka ku sooTaliyaha Laanta socdaalka Somaliland General Maxamed Cali Yusuf (Inacambaro) oo warbaahinta gudaha kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in qaab dalxiis ay ku soo galeen gudaha Somaliland balse markii dambe ciidamada amaanku qabteen ka ganacsiga daawooyin aanay ruqsad u haysan galay sifo dalxiis,hase yeeshee markii aanu dabagal ku samaynay dalka ay ka soo galeen ,Wajaale yimaadeen una soo gudbeen magaalada Hargeysa muddana meeraysanayeen kadib waxay tageen magaalada Berbera oo ay ku iibinayeen dawooyin sifo sharci daro ah tasi oo aan soo marin wasaaradda caafimaadka falkaasina waanu ku soo qabanay”ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland.
Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland General Maxamed Cali Yuusuf waxa uu sheegay in 7 qof dalka laga mastaafurin doono sida ugu dhakhsaha badan.
“Dadkan gacantaanu ku qabanay waananu dalka ka mastaafurinaynaa,qaar kale oo u dhashay dalka Kenya dalka waanu ka mastaafurinay,iyagoo sifo sharci daro ah dadka baadhis ku samaynaya”ayuu yidhi Taliye Ina Cambaro.
Taliyaha laanta socdaalka Somaliland waxa uu sheegay inaanay dadka ajaaniba ah u ogolaan doonin haddii ay sifo qaldan kaga hawl galaan dalka,iyagoo ka been sheegaya wixii ay dalka u yimaadeen .
Dhinac kale, Saraal u hadlay wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay inaanay dadkani wax ogolaashiyo ah ka haysan wasaaradda Caafimaadka Somaliland,waxaanu sheegay inaanay wax ogolaashiyo ah u siinin inay dalka daawooyin kaga ganacsadaan.
Xukuumadda Somaliland ayaa ku hawlan sidii ay dadka ajanabiga ah ula xisaabtami lahayd,iyadoo dhawaan xukuntay nin u dhashay dalka Bakistaan oo lagu eedeeyay inuu dadka shiicaynayay isla markaana sheegtay inay dalka ka mastaafurinayso.