|

Somaliland oo Mareykanka dalab xasaasi ah u gudbisay, iyo saameynta hab dhaqanka Muuse Biixi

Washington(qurbejoog.com) Xukkumada Somaliland ayaa xiriir ay la sameysa Mareykanka ku sheegaty in degaankeeda stratiga ah ee bad iyo beriba ah dooneyso in ay ku bedelato gacan qabad, sidaa waxa qoray jariirada The Wall Street Journal.

Jariirada ayaa intaa ku dartay in dalabkan u danbeeyay uu ku soo beegmayo xili ay sare u sii kaceyso isbalaarinta dawlada China ka wado qaarada Africa.

Somaliland ayaa tobaneeyo sano oo aaney helin aqoosi ka dib iminka dib u bilowday olole aqoosi doon ah, waana sababta Madaxweynaha Somaliland loogu wado in uu safarkiisii u horeeyay ku tago dalka Mareykanka.

Sidoo kale Somaliland ayaa ka faaiideysaneysa rajo xumada Mareykanka ee Somalia oo ku guuldareysatay in ay Meesha ka saarto dagaal yahanada Al Shabaab ee khatarta ku ah danaha iyo amaanka Mareynaka.

Balse jariiradu waxa ay sheegtay in xukuumada madaxweyne Biden ku adkeysaneyso inkasta oo Somalia dhibaatooyin beeleed iyo qaar degaanba ka jiraan hadana la isku hayo wadan ahaan.

Hase ahaatee, diplomasiyiinta Mareykanka Ayaan qarin niyadjabkooda ku wejahayn Madaxweyne Farmajo oo mudo sanad ah dib u dhigay doorashadii madaxtooyada, mudo xileedkiisana kororsaday, sida The Wall Street Journal daabacay.
Dawlada China ayaa xero ciidan ka dhisatay Jabuuti oo ay haatan ku sugan yihiin ilaa 4,500 oo ciidan mareykan ah, isla markaan ah degaan marineed muhiim ah.

Somaliland ayaa sheegtay in China maamuli doonto marin biyoodka Geeska hadaan la caawin.
Somaliland ayaa jariiradu sheegtay in ay hore xiriir ula sameysatay Taiwan, talaabaadaas oo ka careysiisay China. Sidoo kale DP World ayaa maamusha dekedda Berbera kana qaadata saami dhan 65%.

Xildhibaano taageera gooni isu taaga Somaliland ayaa dhawaan baarlamaanka UK iyaguna ka hor jeediyay dood ay dalka uGu baaqayaan in uu aqoonsado Somaliland.

Waxa iyaguna dhawaan booqday Somaliland shaqaale ka socda congress-ka Mareykanka, sidoo kalena waxa Berbera booqday duyuurad siday saraakiil ka mid ah ciidamada Mareykanka.

The Wall Street Journal waxa ay sheegtay hadii Jabuuti Mareykanka ka saarto dalkeeda in arinkaas caqabd noqon karto si loo helo degaan kale oo marti geliya ciidamadeeda.

Geesta kalena Dawlada Soomaaliya ayaa si weyn u diidan gooni isutaaga Somaliland iyo degaano kaleba, sida uu jariirada u sheegay wasiir ku-xigeenka wasaarada warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaala.

Isku soo xooriyoo, Somaliland ayaa u muuqata iminka in iyada oo dooneysa in ay ka faaiideysato maamul xumada Soomaaliya ay dardargeliso aqoosi raadis.

Balse, tilaabooyinka ayaa ku soo beegmaya xili madaxweyne Muuse Biixi qudhiisa lagu eedeynayo tilaabooyin ka dhan ah hanaanka dimuqraadiyada Somaliand, isla markaana damacsan yahay in uu mudada kororsado sida madaxweyne Farmaajo.
Arintan ayaa keeni karta dhaawac iyo dib u dhac siyaasadeed oo soo wejaha Somaliland sumcadeeda maamul wanaag.

Comments are closed