|

Somaliland oo mar kale haysata fursad qaali ah MUUSE JAAMBIIR

Waxay u muuqataa mar kale inay Somaliland helayso fursad qaali ah. Tani waa talaabo u baahan soo dhawayn buuxda, si looga midha dhaliyo. Waa barnaamij waaceensi u noqonaya nolosha bulshada, isla markaana wax ka taraya shaqo yaraanta jirta. Waa hawl gal balaadhan oo la doonayo, in markii u horaysay lagu beegsado deecaaminta khayraadka dhulka. Waa albaab cusub oo Somaliland ku xidhaya dunida ay aqoonsiga ka raadinayso. Haddii la kasbado oo sidiisa loo xaslado, wuxuu soo jiidi karaa daneeyayaal kale oo caalami ah. Wuxuu wax ka taray, hadana ka tarayaa soo noolaynta kaabayaal badan oo nolosha umadda muhiim u ah. Mashruucani maaha mid cusub ee waa hawl galkii baadhista shidaalka Somaliland oo la filayo, inuu dib uga bilaabmo jiidihii uu hore uga socday.

Dunidda iyo GENEL

Inkastoo filashada soo laabashada barnaamijkani ay liidatay, kadib hakintii ku timi wejigii hore ee sababay bixidii kanbaniyadii hawsha waday, hadana, dadaal dheer oo la galay ayaa la sheegayaa, inuu aakhirkii ku dhamaaday guul iyo in la gaadho heshiis qaneecaad leh oo dib loogu dhaqaajinayo hawshii baadhista shidaalka. Shirkadda GENEl oo saldhigeedu yahay dalka Ingiriiska, isla markaana ay wadaag ku yihiin Ingiriiska iyo Turkigu, ayaa hormood u ahayd, hadana u ah baadhista, ka gun gaadhista iyo soo saarista shidaalka Somaliland. Shirkadani waxay ka shaqaysaa waqtigan ilaa 17 wadan oo ku kala yaala Afrika, Amerika iyo Asia kuwaasoo ay ka wado hawl galo shidaal soo saaris ah oo ay maal gelisay, qaarkoodna ay ka soo saartay shidaal, balse ay ka hayso hawlo maamul. Meelahaa waxa ka mid ah, dalka Ciraaq, gaar ahaan gobolka kurdiyiinta, Turkiga, Maroko, Tansania iyo qaar kale. Hase yeeshee, qaaradda Afrika meelaha ay maal gelinta ugu badan gelinayaan, hawshana ay ka wadaan waxa la sheegay inay yihiin sadex dal oo kala ah, Somaliland oo dhawaan dib loo bilaabi doono shaqadii, Tanzania, gaar ahaan dhinaca Zinzibar iyo Maroko. Hogaamiyaha ugu sareeya maamulka shirkada GENEL Mr Tony Haward ayaa isna socdaal uu ku muujinayay sida ay diyaarka ugu yihiin maalgelinta mashruucan ay ka wadaan Somaliland ku yimi dalka kal hore, waqtigaas oo uu kulan la qaatay Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Socdaalkaa uu ku yimi magaalada Hargeysa na waxa ku wehelinayay qaar ka mid ah ku xigeenadda maamulka sare ee shirkada iyo mulkiilaha ugu saamiga badan, isla markaana waxay ku yimaadeen Somaliland duulimaadkii ugu horeeyay ee toos ah ee Luton oo dalka Ingiriiska ku taala iyo Hargeysa diyaaradi ugu kala gooshto.

                                                       Somaliland iyo Genel                                                              

Sida qaalibka ah way adag tahay, dal aan la aqoonsanayni inuu helo fursadahan oo kale, hase yeeshee, siday tibaaxeen xogo mawduucan la xidhiidha oo na soo gaadhay, imaatinka shirkadan iyo isku xidhkaba waxa door laxaad leh ka ciyaaray ilaa hadana ka mid ah hawl wadeenkeeda Eng Ibraahin Maxamed Xasan oo reer Somaliland ah, kana mid ah madaxda hawlgalka shirkadu ka wado gudaha wadanka. Madaxda sarsare ee shirkadda GENEL ayaa iyana dhinacooda ku qancay fursadan, maalgelin iyo caawimo dheeraad ahna u huray Somaliland. Sidoo kale xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo guud ahaan, gaar ahaan madaxda Wasaaradda Macdanta ayaa iyana qayb ka ahaa curashada barnaamijkan. Guud ahaan dadaaladaasi waxay sababeen, in GENEL ka bilowdo dalka hawlgal sahaminta shidaalka ah, kaasoo daloolinta ceelka iyo soo saaristiisuna sida la sheegay ay daba taalo. Sidaas waxa lagu bilaabay hawlgalkii, hase yeeshee mudo markii uu socdayba, waxa is taagay shaqadii, waxaana dalka ka baxay dhinacyadii hawsha waday. Inkasoo sababaha kelifay aan carabka lagu wada dhufan, hadana, warar aan cidhib iyo raad raac run ah lahayn oo bulshada lagu dhex tuuray, ayaa loo aanaynayaa inay qayb ka ahaayeen, shakigii dhinaca amaanka ee soo baxay oo haddii xaaladu sii aloosnaato loo arkayay, in lagu soo dhex dhuuman karo. Waayo, haddii aan dawlad iyo shiciba layska kaashan amniga, wadajirna loola shaqayn, loona saacidin mashaariicda noocan oo kale ah, hawshu ma socon karto. Magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer waxay ahayd, weli tahay saldhiga deegaanada hawlgalka shidaal baadhistu hore uga socday, hadana dib uga bilaabmayo. “ maalintii ay istaagtay hawshu maalintii ka horaysay, Burco waxay u muuqatay ama ahaydba magaalo nuuraysa oo dhaqdhaqaaqa noloshu kor u socdo. Magaalo naf cusubi soo gashay oo waxa is dhaafaya aad yaabayso ayay ahayd. Maalintii hawshu is taagtay maalintii xigtay ilaa hadana wejigay leedahay waad ka naxaysaa”. Sidaa waxa ku dooday mid ka mid ah dadka reer Burco. Mid kale oo ka mid ah dadka deegaankaa ayaa isna fikirkiisa ka dhiibtay saamaynta dhaqaale ee hakintii barnaamijkani ku yeelatay dadka gobolkaa, “dad badan baa shaqaynayay, qaar kalena nayaayiray qabeen. mid makhaayad haysta, mid hudheel haysta, mid Tagsiile ah, mid Caano iibiya, mid dabakaayo haysta, qof kasta oo Burco ku nooli wuu dareemayay in wax soo kordheen markii hawshu socotay, markii ay istaagtayna nalkii daarmay baa damay”.

Akhristahaa iyo qaar kale oo badan oo gobolkaa ku dhaqan oo wargeyska Ogaal la hadlayba, waxay isku raacsan yihiin tilmaamida dhaliilo iyo khaladaad dhinaca dadweynaha iyo dhinacyo kale oo dawladu ka mid tahay loo tirinayay, inay sababeen farsamo xumadii horseeday, inay faraha isla gaadhaan hawl wadeenkii shirkadda iyo shacabku. “macno badan inoo samayn mayso in gaajo inagu dul xasuuqdo carradan, iyadoo hoosteeda manfac aynu ku noollaan karo lagu tuhmayo” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah akhristayaasha reer Burco ee uu wargeysku kala sheekaystay arrintaa. Akhristahaa iyo qaar kale oo badaniba waxay muujiyeen, gobol ahaan iyo guud ahaan dadka reer Somalilandba in dantoodu ku jirto suurta gelinta barnaamijkan iyo kuwa la midka ah, isla markaana waxay ku baaqeen, in loo diyaar garoobo soo dhawaynta shirkada hawsha wada, loona midoobo manaafacaadsiga waxtarkan soo kordhay, dawlad iyo shicibna gacmaha laysu qabsado sidii hawshu u socon lahayd, guusha la doonayana looga gaadhi lahaa. Waxa kale oo ay rumaysan yihiin, cadaalad ahaan in loo xaqsooro muwaadiniinta, oo shaqo qoristu ay noqoto mid eex iyo wax is daba marin laga fogeeyay. Iyadoo laga faa ii daysanayo dhaliilihii horena dadweynaha wacyi gelin buuxda la siiyo.

 Goormaa dib loo bilaabayaa

Ku sii tiigaalka falanqaynta dhacdooyinkaa hore, haatan waxa loo arkaa casharo wax badan laga bartay oo xigasho iyo xusuus mudan, dib inay u soo laabtaana diyaar garow laga sameeyay. Dhanka kalena xogo laga soo xigtay illo lagu kalsoon yahay waxay tibaaxeen, in la diyaariyay ciidan tababar gaar ah la siinayo, kaasoo sugaya amaanka hawl wadeenka shirkadda iyo guud ahaan goobaha hawsha laga bilaabayo. Sharcigii shidaalka ayaa isna xogahaasi sheegeen inuu socdo, kaasoo shirkadda GENEL caawimo ahaan ay gacan ka siisay xukuumadda, lana saadaalinayo in dhawaan la hor keenayo golaha wasiiradda si ay u ansixiyaan, kadibna loogu raadiyo xalaalaynta uu uga baahan yahay Golaha Wakiiladda. Xogahaasi waxay intaa ku dareen, in qorshuhu yahay dabayaaqada sanadkan in dib loo bilaabo hawlgalkii shidaal baadhista ee hore u hakaday, kaasoo boqolaal qof oo maanta bilaa camal ahi ay shaqo ka heli doonaan.

Gunaanad

 

Dhaqaale ahaan, shaqo ahaan iyo diblomaasi ahaanba mashruucani waa mid dan wayni ugu jirto Somaliland dad ahaan iyi dal ahaanba. Sidaa aawadeed, waxa muhiim ah in la hanto fursadan oo laga digtoonaado wax kasta oo wax u dhimi kara fulintiisa ama meesha ka saari kara. Dadweynaha guud ahaan, Salaadiinta Beelaha, Cuqaasha, waxgaradka iyo xilkaska umadda, siiba kuwa ku dhaqan deegaanka hawshu ka bilaabmayso waxa la gudboon inay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta maslaxada guud iyo ta gobolkoodaba, hormoodna aanay ka noqon kicinta habaas danno gaar ah loogu dhuumanayo, oo Somaliland seejiya mashruucan . waxa kale oo looga baahan yahay, inay ka hor tagaan fara gelin kasta oo ka dhan ah, waayo, waxa jira shisheeye badan oo aan raali ka ahayn barnaamijkan, kuwaasoo isku dayi kara, hadii ay gudaha taageero ka helaan talaabo kasta oo ay wax ku yeeli karaan. Xukuumadana waxa waajib ku ah, inay daboosho dhaliilihii wejigii hore ee hawlgalkan ka soo baxay, dadkeedana ay u faahfaahiso waxa socda gobol, degmo, tuulo ilaa heer qoys, kana soo baxdo guud ahaan heshiiska dhinaceeda wixii kala gudboon, si shirkada GENEL iyo bah wadaagta kale ee hawsha qabanaysaana uga soo baxaan heshiiska dhankooda.

Comments are closed