Somaliland oo London iska Xaadirisay iyo Soomaaliya oo aaney cadeyn waxa ay Sugayaan
London June 20,2012(SDN)-Waxa maalmihii ina dhaafay waxa si weyn saxaafada loogu hadal hayay wefdi Somaliland ay u magacawday ka qaybgalka shir la sheegay in ay la galayaan Soomaaliya.
Shirkan ayaa laga maqlay uun Somaliland,mana cada waxa looga wada hadlayo,Soomaaliya ayaa madaxda Soomaaliya laga hayaa in Midnimo laga wada hadlayo,halka Somaliland ay sheegatay in gooni isu taag yahay waxa laga wadahadalayo.
Wax laga wada hadlaba,waxa haatan muuqda in Somaliland xaalkeedu yahay “Qoysataye yaa kuu xiiri”.
Madaxda dawlada KMG ah ee Soomaaliya ay gidigood ku hawlan yihiin nidaamka Road-Mapka oo Nairobi looga shirayo.
Ma cada sida wada hadaladani u meel marayaan kol hadii uu dhawaan madaxweyne Sheekh Shariiif kala diray Baarlamaankii iyo dawladiiba.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in Somaliland iyo xukuumadeeda tahay cida sida weyn u daneyneysa wadahadalo dhex mara labada dhan.
Waana ta tuhunka weyn keentay ee dadku isku weydiinayaan sababta haatan iyo xiligan kala guurka ah.
SDN-London
contact@somaliland