|

Somaliland oo laga reebay shirka is-kaashiga Maraykanka iyo Afrika iyo sababta

Hargeysa. 8 December, 2022. (QJ)- Somaliland ayaa laga reebay shirka iskaashiga Maraykanka iyo Afrika akas oo dhawaan qabsoomi doona waxaana ka qayb gali doona dhammaan amdaxda qaaradda Afrika, oo uu ku jiro madaxweynaha Soomaaliya.

Maamulka Muuse Biixi ayaa marar badan dacaayado la sameeyay iyo buun buunin ku sameeyay xidhiidh la sheegay in uu dhex mari doono Maraykanka iyo Somaliland, taas oo malaayiin doollar uu ku bixiyay Muuse Biixi balse been noqday.

tallaabada cusub ee Maraykanka ayaa daaha ka qaaday in Washington aanay wax dan ah ka lahayn Somaliland wakhtiga iyadoo kaliya hadalada maamulka Muuse Biixi kasoo baxaa ay muujinayaan majare habaabin dadka lagu sameeyo.

War Maraykanka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Somaliland aanay ahayn dal la aqoonsan yahay, Maraykanka aanu xidhiidh ka dhaxayn sidaa darteed aanay muuqan sabab shirkan heerkan oo kale ah logu casuumo.

Maraykanka ayaa taageera Soomaaliya balse Somaliland ayaa marar kala duwan sheegtay in ay xidhiidh la samaynayso Maraykanka, kaas oo fashil ku dhamaaday kadib Muuse Biixi oo cabudhin ku sameeyay mucaaradka iyo shacabka halka uu kursiga ka dagi waayay kadib muddo xileedkiisa oo dhammaaday.

Comments are closed