|

Somaliland oo ku duuleysa Laascaanood

Hargeysa May 14, 2024 (QJ) -Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay qorshaynayso weerar culus oo ay ku doonayso inay dib ugu qabsato Laascaanood, iyadoo ay doonayso inay dib u soo ceshato gacan ku haynta deegaanada SSC-Khaatumo.

Ciidamada Milatariga Somaliland ayaa dhawaan xoojiyey fariisimo ay ku lahaayeen gobolka Sool. Talaabadan ayaa loo arkaa mid uu maamulka Muuse Biixi oo waqtigiisu dhamaaday uu ku doonayo inuu ku carqaladeeyo doorashada ama uu faa’iido siyaasadeed uga helo doorashada soo socota.

Taliyaha Ciidanka Milatariga Somaliland Nuux Taani oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ku nuux nuuxsaday in awooda ciidanku ay sii xoogaysatay wixii ka dambeeyay dagaaladii ka dhacay magaalada Laascaanood. Waxa uu sheegay in ciidamadooda ay yihiin kuwa tayo badan, isla markaana ay diyaar u yihiin inay dib u soo ceshadaan dhulkii looga qabsaday dagaalada.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Madaxweyne Muuse Biixi uu wajahayo caqabado waaweyn oo dhanka doorashada ah, iyadoo guuldaradii Laascaanood ay noqotay mid uu doorashada ku waayi karo.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in Somaliland ay weli gobolka Sool u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda, inkastoo ay kala wareegeen maamulka SSC- Khaatumo, isla markaana ay ka aas aasteen maamul-goboleed ay aqoonsan tahay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Comments are closed