|

Somaliland Oo Ku Dhawaaqday In Ay Darajada Ciidamada Bixidoonto Sanadkan Isla markana Askari Waliba Ku Mushahar Qaadan Doono Darajadiisa

Hargeysa  12-11-2012 (SDN)-Xukuumada Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in ay bixindoonto Darajada Ciidamada Kala Duwan ee Somaliland ismarkaana Askarikasta uu mushaharka ku qaadan doono darajadiisa heerka ay gaadhsiisan tahay .

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md Cabdi casiis Maxamed Samaale Idaacada Bbc-da Laanteeda Afka Somaliga ku hadlasha waraysi kooban siiyey ayaa shaaca ka qaaday in ay dowladu uu ka tirsan yahay sanadkan qorashaha Miisaaniyadsanadeedka 2012-2013 -ka  ay ku jirto in Ciidamada loo sameeyey darajada kala sarayanta iyada oo intaasi ku daray in ay Miisaaniyada Sanadkani aad uga badan tahay oo uu kuyimi korodsiimo lixaad iyada oo wax cashuura oo ay dowladu kordhisay aanu jirin .

sidoo kale oo Md Cabdi Casiis Maxamed Samaale Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Sheegey in ay uu Madaxwaynaha Somaliland Guddi u saaray sidii dalka looga hirgelin lahaa mashaariico horumarineed isaga intaasi ku daray in dhawaan ay Guddigaasi soo saaridoonan waxyaabo badan oo ay dadku ku farxaan oo la xidhiidha dhinaca mashaariicda horumarineed ee dadka iyo dalkuba tebeyaan.

Ciidamada Somaliland ayaa hore ee u wada qaadan jiray mushaharo isku mid ah marka laga reebo Saraakiisha sare sare balse qorshani cusub ee darajada Ciidamada Lagu Bixin Doono ayaa laga filayaa in  ay wax badan ka tarto baahida ay u qabeen Ciidamadu in ay helaan darajo iyo kala sarayn .

www.Qurbejoog.com Hargeisa

Comments are closed