|

Somaliland oo ka mid noqotay wadamada ugu nabada badan caalamka, caana ku noqotay ilaalinta nabada iyo ka hortaga argagaxisada

Hargeysa May 22,2013(SDN)-Somaliland waxay caalamku u aqoonsadeen inay tahay wadamada kaliya ee maanta nabad lagu sheegi karo. Caalamkuna uu ogaaday in somaliland ay tahay wadan nabadiisu tahay lama taabtaan. Cidkasta oo nabadiisa ka hor timaadana ay gacan bira ku qabtaan.

Hadaba maxaa sababay in somaliland ka mid noqoto wadamada ugu nabada wanaagsan caalamka.

Waxa nabada somaliland suuro galiyay inay  jirto mudo dhan 22 sano  dhamaaan bulshada reer somaliland oo ay ka mid yihiinn.

Bulshada rayidka ah
Dawlada
Ciidamada kala duwan
Iyo dawladaha caalamka oo mar mar taageero  nabadeed siiya.

Hadaba waxa maalmahan soo badanayay hadal haynta bulshada caalamku ay hadal hayaan somaliland iyagoo tusaale u soo qaadanaya nabada ay haystaan iyo sida ay yihiin wadamada u dhaw taasina waxay mujisay in somaliland noqoto wadamada caalamka ugu nabada macaan.

Runtii nabadu waa geed la hoos hadhsado. Horumarkuna wuxuu muuqdaa marka la haysto nabad lagu seexan karo. Somaliland waa wadan dadkiisu ay aad u jecel yihiin kuwaas oo caan ku noqday ilaalinta nabada iyo ka hortaga cidkasta oo nabada wax yeelaysa. Dadka somaliland ayaa la ogaaday inay yihiin Dad xaga nabada ka dhisan oo qofkastaaba og yahay qiimaha ay nabadu u leedahay cidkasta oo dunida joogta.

Sidaa awgeed dadkeenu waa dad ilaahay haybad u siiyay ilaalinta nabada.

Caalamkuna wuxuu maanta isla qaatay haddii aan la badbaadin nabada ay somaliland ay haysato in fursadaas ay masuul ka yihiin maxaa yeelay waxa caalamka maanta ku soo badanaya  ururo kala duwan kuwaas oo walaac badan qaadsiiyay nabadii caalamka ka jirtay.

Caalamkuna maanta wuxuu diyaar  u noqday badbaadinta dawlada somaliland ee dhinac walba taasna waxa ay iman doontaa sanada soo socda laakin imika waxaa la fahmay haddii somaliland la citiraafi waayo in dhib badan ka soo gaadhi karto caalamka idil ahaantiiba.

Hadaba ummada reer somaliland waxa looga baahan yahay in ay sii laban laaban nabada kuna daraan horumar markaana uu caalamku ka yaabi doono.

Oo waxwalba waxa ka wanaagsan inaad isu filnaato oo aanad cidnaba waxba uga baahan.

Bulshada somalilandna waxaan leeyay dalkiina maalgashada oo qofkastaa kaalin muhiima ha ka galo dhinaca dhaqaalaha iyo maalgashigaba.

Qofkastana waxa looga baahan yahay inuu dadkiisa iyo dalkiisaba daacad u noqdo dalkiisana uu aamino qofkastaana wuxuu sharraf ku leeyahay waa dalkiisa.

Somaliland waxay noqotay dawlada lagala tashado arimaha nabada iyo ilaalinta xasiloonida .waxaad wax badan ku arki doontaa war baahinta caalamka oo qaadaa dhigaysa somaliland iyo qadiyadeeda,

Somaliland maanta waxa taagan tay halkii ugu wanaagsanayd marka laga reebo shaqo la,aanta taasna waxa sabab u ah cidkasta oo gacanta ku haysa miisaaniyada dalka.

Somaliland iyo maamulkeedu waxay caan ku noqdeen siyaabo badan oo nabada loo adkeeyo kuwaas oo imika caalamku ogaaday, caalamkuna xiisaynayo inay isticmaalaan farsamooyinka nabada loo ilaaliyo.

Hadaba hadaynu nabada ku darno in horumara waxaynu noqonaynaa wadamada ugu wanaagsan caalamka.

Maxaa yeelay maanta dalka waxa ka buuxa macdan iyo qayraad kuwaas oo u  baahan farsamadeeda iyo aqoonteedaba.

Waxaan hadalkayga ku soo gabagabaynayaa somaliland waa sanadkeedii waana sanadkii guusha, cidkasta oo dawlada iyo shacabka ka midana waxa looga baahan yahay dulqaad maxaa yeelay waxaynu ku jirnaa tijaabo markaa yaan loo bixin go,aankeenu waa mid kaas oo ah GOONI ISU TAAGA SOMALILAND WAA MUQADAS.

N.B

Nabad haddii loo geeyo horumar waa barwaaqo la gaadhay

Nabada ayaa ku gaadhsiisa jidka horumarka

Nabada ayaa keenta is fahanka bulshada

Nabada ayaa sababta nolosha macaan.

Farhan Mohamed Hassan (Rakad)

Email: farxaanmxd@gmail.com

TELL: 063–4400319

Hargeisa

Social activist

Thank you all

Post number:  RP29

Comments are closed