|

Somaliland oo ka digtay in Soomaaliya xanibto hawadeeda

Hargeysa February 20, 2024 (QJ) -Somaliland ayaa ka jawaabtay eedeymaha loo soo jeediyay ee la xiriira joojinta maamulka hawada Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay dowladda Federaalka inay ku soo xadgudubtay hawadeeda, ayna siyaasadeyneyso duulista caalamiga ah.
Somaliland waxa ay sheegtay in dawladda Soomaaliya ay qorshaynayso in ay soo saarto NOTAM (Notice to Airmen) si ay ugu dhawaaqdo xidhitaanka hawada Somaliland.
Maamulka Hawada iyo Garoomada Somaliland ayaa tilmaamay in ay ka jawaabi doonaan talaabooyinka ku haboon hadii ay Dowlada Federaalka ku dhaqaaqdo dalabaadkeeda.
War saxaafadeed ka soo baxay maamulka duulista hawada ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay carqaladeynta ka imaaneysa magaalada Hargeysa, taasoo khatar ku ah dhammaan duulimaadyada ka howlgala hawada Jamhuuriyadda Soomaaliya.
War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in dowlad shisheeye ay ku lug leedahay arrintan oo la rumeysan yahay inay tahay Itoobiya.

Comments are closed