|

Somaliland oo ka cabatay aqoonsiga SSC-Khaatumo

Hargeysa October 20, 2023 (QJ) – Somaliland ayaa si adag uga hadashay aqoonsiga ay dowladda Federaalka Soomaaliya siisay maamulka SSC-Khaatumo ee fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood.

Talaabadan ayaa ay SL Ku tilmaamay mid halis ku ah qaranimadeeda. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay aqoonsan tahay SSC-Khaatumo mid gardaro ah.

War-saxaafadeedku wuxuu caddaynayaa in Somaliland ay qaranimadeeda ilaashanaysay in ka badan 32 sannadood, muddadaas oo ay ku guulaysatay inay ka hirgeliso xuduudaheeda nabad, amni iyo maamul dimoqraadi ah. Waxay kaloo intaa ku dareen in ficillada Soomaaliya ay khatar ku yihiin xasilloonidaas.

Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqday Soomaaliya inay si deg-deg ah taageeradeeda ugala noqoto waxa ay ugu yeedhay maleeshiyo hubaysan, waxaanay sidoo kale beesha caalamka ka codsatay inay dib u eegaan aqoonsigaas, maadaama uu khatar ku yahay xasiloonida gobolka.

Comments are closed