Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii ka soo yeeray dowladda Maraykanka
Hargeysa Feb 06 2013 (SDN)– Dowladda Soomaaliland ayaa ka hadlay hadal kasoo baxay Dowladda USA kaasi oo ahaa inuu digniin ujeedinayo muwaadiniinta udhashay dalkaasi inay usafri karin deeganada maamulkaasi.
Wuxuu sheegay in hadalka kasoo baxay Dowladda USA uu la yimid yahay kii kasoo baxay Dowladda UK islamarkaana aysan waxba udhimeyn wal walbadana aysan ku heyn dhamaan shacabka Soomaaliland.
Wasiirka ayaa sheegay in iyadoo laga duulayo adkeynta dhanka ammaanka deeganada maamulka Soomaaliland heegan buuxa la geliyay ciidamada maamulkaasi si ay u adkeeyaan ammaanka deeganadaasi.
Wuxuu tilmaamay in ajaanibta joogta deeganada maamulka Soomaaliland uu usheegayo in ammaanka uu yahay mid aysan dhibaato ka taagneen si nabadgalyo ahna ay ku noolanayaan.
Hadalka kasoo baxay Dowladda USA ee ah in muwaadiniinta udhashay dalkaasi digniin loo jeedinayo taasi oo ku aadan qataro dhanka ammaanka ah oo kaga imaan kara deeganada maamulkaasi ayaa wuxuu imaanaya iyadoo dhawaan Dowlada UK ay kasoo yeertay arin taasi lamid ah.