Somaliland oo jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay Mahiga
Hargeysa, 20, May 2012 (SDN)- Xukuumadda Somaliland oo jawaab ka bixisay hadal uu Augustine Mahiga ku naqdiyay xukunkii ay maxkamadda Milaterigu ku riday koox weerar ku qaaday xero ka mid ah kuwa ciidamada ee Somaliland.
Warsaxaafadeed xalay ka soo baxay xafiiska Augustine Mahiga ayaa lagu sheegay inuu sharciga ka soo horjeedo xukunkii ay maxkamaddu ku riday koox weerar ku qaaday xero miletari, kuwaasoo dembigaas qirtay.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cumar ayaa difaacay eedaynta uu xafiiska Mahiga u jeediyay qaabka ay u Xukuntay Xukuumadda Somaliland dadkaas, isagoo sheegay inay dadkaasi ahaayeen dad nabadgelyada Somaliland ku soo duulay, isla markaana isku dayay inay burburiyaan qaranka, waxaanu Wasiirku xusay inay hore beesha caalamku arrimahaas kala soo xidhiidhay oo ay ka wada hadleen, islana qaateen in wixii nabadgelyada ka hor imanaya dariiqa sharciga la mariyo. Isagoo Wasiirku ku doodday in Beesha caalamka ay aad u danaynayso nabadgelyada ka jirta Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee hadalka ka soo yeedhay Mahiga ayaa u muuqda mid uu goddaloolooyin ugu raadinayo madaxbanaanida iyo nabadgelyada ka hirgeshay Somaliland, isla markaana ah cadaawad.
SDN, Hargeisa