|

Somaliland oo iska hortaagtay in Maamul Goboleedka Puntland Olole Doorasho ku Qabto Badhan

Badhan June 29,20139SDN)-Ciidamada Amaanka ee Somaliland ayaa maalmihii ina dhaafay tiraba dhawr jeer dib uga celiyay masuuliyiin ka tirsan guddida Doorashooyinka maamul goboleedka Puntland oo damacsanaa in ay halkaa ku qabtaan tababro la siinayo gudiyada magaalooyinka Badhan iyo Dhahar.

Wasiir ku-xigeenka wsaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland Cabdisalaan Maxamed Xasan ayaa Jariirada Dawan ee Hargeysa ka soo baxda uga waramay hawlgalada ay ciidamada Somaliland dib ugu celiyeen masuuliyiinta reer Puntland.

“Magaalada Dhahar Maanta (Shalay) waxa ka dhacay Saraakiil ka socda Xafiiska Doorashooyinka Puntland ayaa yimi oo doonayay inay hawlo doorashadooda khuseeya ka fuliyaan, ka dibna Ciidanka Qaranka ee aagaas iyo Ciidanka Booliska jiidaas ayaa talaabo ka qaaday, kana eryay magaalada.

Arrintan Maanta (shalay) dhacday uun maahee, laba maalmood ka horna Ciidanka bilayska gobolka waxay ka hortageen oo magaalada badhan ka eryeen koox kale oo iyaguna arrintaa Doorashada Puntland qaban-qaabadeeda waday, kuwaasoo Ciidanku hawl-gal hudheelka ay degenaayeen uu ku qaaday oo la doonayay in lagu soo xidh-xidho, laakiinse ay Odayaasha Deegaanku soo dhex galeen oo ay Ciidanka ka maslaxeen, iyagana ku yidhaahdeen iska baxa”ayuu sheegay Md. Cabdisalaan. Wasiirka ayaa arrimahan ku tilmaamay faro gelin iyo Xiisad abuuris ka imanaysa dhinaca Puntland oo lagu khal-khal gelinayo amaanka Gobolka, taasoo uu soo jeediyay Maamulka faroole inuu joojiyo, hadii kale ay dawlad ahaan talaabo adag qaadayaa wixii hada ka dambeeya.

Maamulka Puntland wuxuu doonayaa inay Doorasho ka hirgeliyaan Deegaamadan Gobolka ee Somaliland, taasina wax suurto geliya maah, horena waanu ugu sheegnay, dadkuna waxay ogolyihiin maaha dawladuna waxay ogoshahay maaha, markaa waxaan leeyahay Maamulkaasi naga daaya faro gelinta, haddii kale wixii hada ka dambeeya Annaguna tallaabo adag ayaanu qaadi doonaa,”ayuu Wasiir Ku xigeenka macdanta iyo Tamartu yiri.

Maamul Goboleedka Puntland ayaa hore dhawr jeer isku hortaagay Doorashooyinka Somaliland in ay ka dhacaan isla deganadan
haatan xiisadu ka taagan tahay.

SDN-Badhan
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed