Somaliland oo eedeysay Safiirka Mareyknaka Muqdisho
Hargeisa January 15, 2023 (QJ) -Somaliland ayaa safiirka Mareykanka Muqdisho u fadhiya ku eedeeysay in uu caadeystay in uu Somaliland ku sheego degmo ka tirsan Soomaaliya.
War ay manta ku baahisay wasaarada arrimaha dibedda Somaliland ayaa lagu dhaleeceeyay in Safiirka Mareykana ee Soomaaliya Larry Andrea uu berbera ku sheegtay in ay Soomaaliya ka tirsan tahay.
Safiirka ayaa sidaa sheegtay mar uu ka hadlayay dhoolatus la sheegtay in Marykenku dhawaan ku qabanayo magaalada Berbera.
Dhoolatuskaa ayay madaxda Somaliland bulshadooda ugu soo bandhigeen in ay ka dhigan tahay wadashaqeyn dhow oo Hargeysa iyo Washington dhemaraya.
Balse Mareykanka ayaa tiroba dhawr jeer cadeeyay in arinku sidaa aheyn. Dhoolotuska Berbera lagu wado in uu ka dhaco bisha soo socota ayaa waxa ka qeyb gelaya dalal badan oo Soomalaiyana ay ka mid tahay.
Waa markii u horeysay ee ciidamada dawlada Soomaaliya ay cago dhigtaan degaanada Somaliland ka arrimoso, sidii halka looga dhawaaqay gooni isutaaga.