Somaliland Oo Doonaysa Inay Isticmaasho Furaha Isgaadhsiinta Boosta Ee Jabuuti Iyo Wefti Ka Socda Dalkaasi Oo Hargeysa Yimid
Hargaysa 10. July 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Somaliland, ayaa shaacisay inay doonayso inay isticmaasho furaha Boosta ee Dalka Jabuuti, ka dib marka ay hawl-geliso Isgaadhsiinta loo yaqaanno Boosta.
Sidaana waxa Shaaca ka qaaday Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Mustafe Faarax Abraar oo Shalay kulan Hargeysa kula yeeshay Wefti ka socda Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Jabuuti oo booqasho ku yimid Somaliland.
Kulan ay Xarunta Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ku yeesheen Wefti uu hoggaaminayo Xoghayaha Wasaaradda Boosaha Jabuuti, Agaasimaha Waaxda Boosaha ee wasaaraddaasi iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, ka dib, ayaa Masuuliyiinta Wasaaradda Boosaha ee Somaliland waxay shaaciyeen ujeeddada ay Dalka u yimaaddeen Weftiga ka socda Dalka Jabuuti.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Faysal Cali Sheekh oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Weftiga ka socda Jabuuti oo Somaliland u yimid inay indho-indheeyaan Xaaladda Boosaha iyo Nidaamka Somaliland doonayso inay mustaqbalka u shaqeyso, waxaana masuuliyiintaa ka mid ah Xoghayaha Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Jabuuti, Agaasimaha guud ee Boosaha, Agaasime ku-xigeenka iyo Xubno kale, markaa aad iyo aad baanu u soo dhaweynaynaa.”
Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Mustafe Faarax Abraar oo isgauna gebogabadii halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Ujeeddada guud ee Weftiga Jabuuti u socdaan waxa weeyaan sidii aanu u kicin lahayn Waaxda Boosta ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, annaga oo doonayna si aanu isticmaallo furaha Jabuuti ee Boosta, oo aanu ka dhiganno Xarun, markaa Wada-hadallo fiican baa noo socda.”
Weftigan ayaa Dalka yimid, ka dib Wefti ka kooban Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Xidhiidhka Goleyaasha, xannaanada Xoolaha iyo kuwo kale ku tageen Dalka Jabuuti.